Iiraan ayaa Arbacadii maanta ku hanjabtay inay albaabada isugu dhufan doonto marinno kale oo muhiim u ah dhoofinta tamarta gobolka, kaddib markii Mareykanku soo rogay go’doomin badeed ka dhan ah dekedaha Iiraan, isla markaana uu weerarro cusub ku qaaday agagaarka Marinka Hormuz.
Hanjabaaddan oo si toos ah ugu wajahan maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Baabul-Mandeb, oo ah albaabka laga galo Badda Cas, ayaa timid kaddib markii xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii korortay tan iyo toddobaadkii hore, taasoo si weyn u wiiqday xabbad-joojin ku-meel gaar ah oo la saxiixay bishii Juun.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa maanta sheegay inay weerareen goobo ciidan oo Mareykanku leeyahay, oo ay ku jiraan kuwo ku yaalla Baxreyn, Kuwayt iyo Urdun, kaddib markii ay sheegeen in ciidamada Mareykanka oo ay ku tilmaameen kuwo khiyaano badan ay u direen maraakiibtooda Badweynta Hindiya, iyagoo ku andacoonaya inay maamulayaan marin-biyoodka Hormuz.
Waxa kale oo ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ay sheegeen in Washington ay isu diyaariso xiritaanka dhammaan marinnada kale ee dhoofinta tamarta ee ay ka faa’iideystaan Mareykanka iyo xulafadiisu. Waxaanay intaas ku dareen in dhoofinta tamarta gobolka aysan noqon karin mid ay dalalka qaar ka faa’iideystaan halka kuwo kalena laga hor istaago.