Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Imaarada Islaamiga Ah Oo Maanta La Wareegtay Gobollo Cusub.
  • Allposts
  • Warar

Imaarada Islaamiga Ah Oo Maanta La Wareegtay Gobollo Cusub.

August 15, 2021

Mujaahidiinta xaq u dirirka ah ee Daalibaan waxay halkoodii kasii wadaan guluf dagaaleedkooda jihaadiga ee ay kula wareegayaan dalka Afghanistan ka dib 20 sanno oo duullaan cir iyo dhulba ay kusoo qaadeen Maraykanka iyo xulufadiisa saliibiga ah ee Nato.

Ciidamada Mujaahidiinta imaarada islaamiga ah oo maalmihii u dambeeyay guulo la taaban kasoo hoyay wilaayaadka kala duwan ee waddanka waxay hadda kaabiga ku hayaan magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

Maanta oo kaliya waxay Mujaahidintu la wareegeen 3 wilaayaad oo dhaca bariga waqooyiga iyo bartamaha dalka Afghanistaan.

Caasimad goboleedyada ay maanta Mujaahidiintu ka wareegeen waxaa ka mid ah magaalada Khoosti oo ah caasimadda gobolka Khoosti, magaalada Baamiyaan oo ah caasimadda Baamiyaan iyo magaalada Maxamuud Raaqi oo ah caasimad gobleedka gobolka Kaabeysaa ee dalka Afgnaistan.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta Mujaahidiinta imaarada islaamiga ah oo lagu faafiyay barta rasmiga ah ee ay Imaaradu ku leedahay Twitterka waxaa lagu sheegay in dhammaan wilaayaadka 3-da ah ee kor ku xusan ay maanta kusoo dhaceen gacanta Imaarada islaamiga Afghanistan isla markaana laga fara maroojiyay maamulka xukuumadda dabadhilifka ah ee Kaabul.

Warka kasoo baxay Imaarada waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Mujaahidiintu ay la wareegeen dhammaan xafiisyada maamulka dowladda iyo saldhigyada booliska xukuumadda.

Muuqaallo Video ah oo lasoo galiyay barta twitterka ee Imaarada waxaa lagu arkayay kumannaan shacab ah oo wadada u tuban soo dhawaynta ciidamada Mujaahidiinta taas oo ka marqaati kacaysa in reer Afghanistaan Mujaahidiintooda iyo shacabkoodaba in si isku mid ah ay u diideen gumeysiga saliibiyiinta iyo cumaladooda.

La wareegitaanka Imaarada ee gobollada cusub waxay kusoo beegmayaan xilli ay Imaarada islaamiga ah habeenkii xalay la wareegtay magaalooyinka Mazaaru shariif oo ah xarunta gobolka Balkh iyo magaalada Jalalabaad ee xarunta gobolka Nangahaar.

Guud ahaan waxay Imaaradu si rasmi ah gacanta ugu haysaa 30 gobol oo dhaca koonfurta bariga waqooyiga iyo bartamaha dalka Afghanistaan waxayna Mujaahidiintu xilligan ku suganyihiin duleedka magaalada Kaabul ee caasimadda dalka.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Qarax Masuuliyiin Lagula Eegtay Magaalada Jowhar.
Next: 20 Sanno Ka Dib Idaacadda Imaarada Islaamiga Oo Laga Hirgaliyay Qandahaar.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada