In ka badan 2,000 qof ayaa toddobaadkan gaaray dalka Jabuuti, kadib markii ay ka soo qaxeen kororka dagaallada u dhexeeya dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto iyo dowladda uu taageero Sacuudi Carabiya, sida ay Axaddii sheegtay Qaramada Midoobay.
Tobannaan kun oo qof ayaa barakacay kadib weerar toddobaad socday oo ay Xuutiyiintu qaadeen, kaas oo ugu dambayn kooxda u suurageliyay inay la wareegto inta ka hartay xeebaha Badda Cas ee Yemen iyo dhowr jasiiradood oo istaraatiiji ah. Arrintan ayaa xoojisay gacan-ku-haynta Xuutiyiinta ee Baub al-Mandab, oo ah marin-biyood istaraatiiji ah.
Khamiistii, kooxda ayaa la wareegtay magaalada dekedda ah ee Mukha, oo ku taalla xeebta Badda Cas, isla markaana ku dhow marin-biyoodka muhiimka u ah maraakiibta isaga kala goosha qaaradaha Yurub iyo Aasiya.
“In ka badan 2,000 qof oo ka cararay colaadda Yemen ayaa soo gaaray xeebaha Jabuuti,” ayay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) oo hoos-tagta waxa loogu yeero Qaramada Midoobey ku tiri qoraal ay shalay ku daabacday barteeda X/Twitter.
Qaramada Midoobay waxay AFP u sheegtay in dadkii ugu horreeyay ay Jabuuti soo gaareen fiidnimadii Khamiista. Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Daawaleh, ayaa Sabtidii tirada ku sheegay inay ahayd ku dhowaad 1,400 qof.
Jabuuti oo ka mid ah dalalka Afrika ugu dadka yar, kuna nool yihiin ku dhowaad hal milyan oo qof, ayaa sidoo kale ah goob ay si weyn u isticmaalaan tahriibeyaasha Afrika ka baxaya ee rajaynaya inay gaaraan dalalka Khaliijka.
Sida ay Qaramada Midoobay sheegtay, ugu yaraan 76,000 oo qof ayaa Yemen gudaheeda ku barakacay dagaallada tan iyo bishii Luulyo. Tiradaas ayaa afar-laabantay toddobaadkii u dambeeyay, taas oo ka dhalatay dagaalladan u dambeeyey ee ka dhacay Yemen.