Tirakoob cusub oo lasoo saaray ayaa lagu soo bandhigay xogta khasaaraha ka dhashay shilalka gaadiidka ee sannadkii hore ka dhacay gudaha dalka Yugaandha.
Wargayska Daily Monitor ayaa sheegay in 407 qof ay ku dhinteen shilalka ka dhacay Uganda sanadkii 2025-kii tiradaas oo ka badan diiwaanka tirakoobka dhmasho ee shilalka sannadkii kasii horreeyay.
Dadka ugu badan ee shilalkan ku dhintay ayaa lagu sheegay inay ahaayeen wadeyaasha mootooyinka Dhugdhugleyda loo yaqaan.
Waaxda nabad-galyada waddooyinka Uganda waxay dhanka kale sheegtay in tirada dhimashada saannadkii 2025 oo ahayd 407 qof ay ka badan tahay kii kasii horreeyay ee 2024, kolkaas oo la diiwaangeliyay dhimashada 404 qof.
Tiradkoobkan cusub waxaa ku xusan in 94% dadka dhintay ay isugu jiraan dadka cagtooda maala, kuwa isticmaala mootooyinka, marka laga hadlayo da’da dadka ku dhintay shilalkan waxay u dhaxayaan 20 illaa 39 sano.
Yugaandha waxay ka mid ah dalalka dhaca qaaradda Africa ee ay ka dhacaan shilalka gaadiidka ee dhimashada badan gaysta, waxaana tirakoobyada kaga horreeya Kenya oo sannad walba la diiwaan-geliyo dhimashada iyo dhaawaca kumannaan qof.