ABNA oo ah warbaahin laga leeyahay Iran ayaa sheegtay in xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Yahuudda iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika, gaar ahaan waddama Uganda iyo Burundi, uu ka gudbay is-dhex-gal diblomaasiyadeed oo caadi ah.Xiriirkan sii qoto-dheeraanaya ayay warbixintu tilmaantay inuu u wareegayo iskaashi militari, amni iyo mid dhaqaale, kaas oo qayb ka noqon kara dhismaha shabakad istiraatiiji ah oo Sahaayinadu ay rabto inay ku yeelato Bariga, Geeska iyo Bartamaha Afrika.
Sida ay xaqiijiyeen warbixinno dhawaan soo baxay, Uganda iyo Burundi ayaa qorsheynaya inay ciidamo u diraan marinka Qaza, si ay uga qayb-qaataan xasuuqqa iyo barakicinta ay Yahuuddu ku hayso dadka reer Falastiin ee halkaasi ku nool.
Uganda waxay sheegtay inay Qaza u diri doonto 1,200 askari, halka Burundi ay diyaar la tahay in ay dirto ilaa 2,000 askari, inkastoo hir-gelinta go’aanka xukuumadda Burundi uu weli ku xiran yahay ogolaansho rasmi ah oo ay ka hesho dhinaca Yahuudda.
Warbaahinta ABNA waxa kale oo ay sheegtay in saraakiil militari oo ka kala socday Uganda iyo Burundi ay booqdeen magaalada Rafah si ay u qiimeeyaan goobaha ay ciidamada labada dal ka hawlgeli karaan, iyadoo la filayo in hawlgalkoodu inta badan ka dhaci doono meelaha u dhow xad-beenaadka Masar.
Ugu dambayn warbixintu waxay ka digaysaa isbahaysi ay ugu yeertay Suunka Yahuudda, oo ay sheegtay inuu ka bilaabmayo Somaliland iskuna xiraayo Itoobiya, Koonfurta Suudaan, Uganda, Rwanda, Burundi, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Cameroon iyo dalal kale oo dhaca Galbeedka Afrika.