Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal khasaara badan dhaliyay uu ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Iska hor’imaadka ayaa yimid kadib markii ay maleeshiyo hubaysan ay weerar culus ku kediyeen maleeshiyaad katirsan maamulka ashahaadda ladirirka Galmudug oo saldhig ku lahaa duleedka Godinlabe.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen ku dhowaad 7 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay, maleeshiyaadka weerarka qaaday ayaa ka gadoodsanaa dhul uu maamulka Galmudug siiyay shirkad dhisme kawadda wadadada xiriirisa Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Maamulka Ashahaadda ladirirka Galmudug oo dagaalkan ka hadlay ayaa qiray in khasaara lixaad leh uu dagaalka ka dhashay islamarkaana gaadiidka Tiknikada ay adeegsanayeen kooxaha weerarka soo qaaday.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay dileen Xasan Cali Dhagaweyne oo kamid ahaa saraakiisha sarsare ee ciidanka booliska maamulka dabadhilifka ee Galmudug.
Dhaawacyada dhinacyada soo kala gaaray ayaa loo qaaday Isbitaallo kuyaal Cadaado iyo Dhuusamareeb, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiisado colaadeed oo arrintan ka dhashay ay weli ka taaganyihiin degmada Godinlabe.