Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay iska hor’imaad hubeysan oo degmada Wanllaweyn ee Sh/hoose ku dhexmaray maleeshiyo ka wada tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Iska Hor’imaadka ayaa yimid markii uu is qabqabsi soo kala dhexgalay maleeshiyaadka murtadiinta ah ee dagaallamay, waxayna taasi keentay in uu goobta ka dhaco dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka qaar waxay sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu soo kala gaaray maleeshiyaadka murtadiinta ah ee dagaallamay, halka la xaqiijiyay dhaawacyada laba qof.
Maleeshiyaadka murtadiinta ah waxaa dhexdooda caadi ah iska hor’imaadyada hubeysan, waxayna badanaa isku hor’imaadyadu dhacaan marka ay isku qabtaan lacago baad ah iyo dhul.