Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Isku Socodka Soomaalida Ee Nairobi Iyo Gaarisa Oo Joogsaday Iyo Ganacsiyo La Boobay.
  • Allposts
  • Warar

Isku Socodka Soomaalida Ee Nairobi Iyo Gaarisa Oo Joogsaday Iyo Ganacsiyo La Boobay.

April 29, 2026

Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Soomaalida iyo mid ka mid ah qowmiyadaha dega dalka Kenya, ayaa ka taagan deegaanno ka tirsan ismaamulka Kitui, halkaas oo laga soo calaamadiyay isku dhacyo hubeysan oo dad ku le’deen.

Maanta waxaa gebi ahaanba joogsaday gaadiidkii Basaska ee sida maalin laha uga bixi jiray Nairobi iyo magaalooyin kale, kuwaas oo aadi jiray magaalada Gaarisa ee dhulka NFD, markii basas ay saarnaayeen dad Soomaaliyeed lagu weeraray ismaamulka Kitui.

Shirkadaha Basaska, ayaa diiday inay u safraan Gaarisa, iyaga oo sheegay in xaaladda waddada ay tahay mid halis ah, inta ka hagaagaysana ay shaqada ka fadhin doonaan, dadka Soomaalida ah ee maanta tagay xafiisyada Tikidhada laga jarto ee xaafadda Islii ayaa dib loo celiyay, loona sheegay inuusan jirin wax safar ah oo Gaarisa aadi kara.

Xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa Soomaalida iyo Kenyanka, ayaa si gaar ah uga taagan inta u dhaxaysa magaalooyinka Mwingi iyo Nguni, halkaas oo ay degaan qowmiyad lagu magacaabo Mukambada.

Xiisadda ayaa ka billaabatay kooxo hubeysan oo kasoo jeeda Mukambada oo si bareer ah u dilay xoolo dhaqato Soomaaliyeed, waxaana dhacdadaas xigay dil kale oo ka dhacay tuulada Tseikuru, kaasi oo loo gaystay 7 qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Mukambada, booliiska Kenya ayaana weerarkaa ku tilmaamay mid aargoosi ah oo ay ula jeedaan inay Soomaali ka dambeysay.

Wixii labadaas dhacdo ee weerarka ah ka dambeeyay xaaladda waddada aadka u mashquulka badan ee isku xirta Nairobi iyo Gaarisa ayaa noqotay mid halis ah oo lagu weeraro Soomaalida safarka ah, shalay oo ay ugu dambeysay gaadiid nooca kuwa Bus-ka ah oo ay ku safrayeen Soomaalida, ayaa dhagxaan lagu weeraray, dad careysan oo deegaanka ayaana weerarkaasi ka dambeeyay.

Maanta waxaa xirnaa goobaha ganacsi ee Soomaalidu ku leeyihiin magaalo lagu magacaabo Mwingi, wallow markii dambe shacab careysan oo dadka deegaanka ah ay xoogga ku galeen ganacsiyada xiran kadibna jabsadeen, wixii agabyo ah ee yiillay na boobeen.

Sawirro iyo muuqaallo ku baahay baraha bulshada, ayaa muujinayay dukaamo ganacsi oo la jabsaday iyo badeecooyinkii ku jiray oo lala cararayo, weli waxaa taagan oo faraha ka baxday xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa Soomaalida iyo dadka Kenyanka ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -12-11-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -13-11-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada