Wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay is-rasaaseyn hubeysan oo u dhaxeysay askar ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Is-rasaaseynta, ayaa si gaar ah u dhexmartay laba maleeshiyo oo ka wada tirsan kooxda Riddada, saraakiil ka tirsan murtadiinta ayaa lagu eedeeyay inay kala taageerayeen labada maleeshiyad, dhacdada ayaana laga soo diiwaan-geliyay saldhigga degmada Baladxaawo.
Ugu yaraan hal askari oo lagu magacaabi jiray Deeqow Daahir, ayaa lasoo wariyay in uu ku nafwaayay is-rasaaseynta ka dhacday saldhigga degmada Baladxaawo ee u dhaxeysay labada maleeshiyo ee murtadiinta ah.
Iska hor’imaadka Baladxaawo ku dhexmaray maeeshiyaadka Riddada, ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad u dhaxaysa kooxda Riddada Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Riddada Axmed Madoobe ay ka taagan tahay degmadaasi.