IFA oo ah machad daraaseeya arrimaha dibadda oo ka tirsan Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya ayaa maqaal uu soo bandhigay kaga hadlay sidii Itoobiya ay danaheeda gaarka ah ugu gaari lahayd hawl-galka AUSSOM, oo haatan qarka u saaran xaalad burbur ah.Sida uu sheegay maqaalku, siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya waxay inta badan ku salaysnayd la-dagaallanka Al-Shabaab, balse qorshahaasi wuxuu halis ku yahay ayuu yiri, in Addis Ababa ka maqnaato go’aannada muhiimka ah ee AUSSOM.
Waxay xustay qormadu, in hawl-galku uu hadda ku jiro xaalad si aan caadi ahayn isu bedbeddeleysa, maadaama waajibaadkiisuna uu ku egyahay ilaa Diseembar 202. Iyadoo maalgelintiisuna weli aysan caddayn, halka cadaadiska saaran saadka iyo joogteynta ciidamaduna uu sii kordhaayo.
Sidaa darteed, go’aannada ku saabsan baaxadda hawlgalka, awoodaha mudnaanta leh, maalgelinta, qaab-dhismeedka taliska iyo qaab kasta oo Afrikaan hoggaaminayo oo la sameeyo wixii ka dambeeya 2026 ayaa hadda lagu loollamayaa…” ayay tiri qormadu.
Maqaalka Machadka IFA wuxuu si gaar ah dowladda Itoobiya ugu boorinayaa inay ka hor-tagto in AUSSOM loo beddelo wax uu ku sheegay aalad lagu xalliyo khilaafaadyo laba geesood ah oo aan hawlgalka shaqo ku lahayn.
Ka-qaybgalka Itoobiya ee AUSSOM waa inuu ku xirnaado ayuu yiri maqaalku, natiijooyin gaar ah oo la xiriira amniga qaranka Itoobiya. Sidaas darteed wuxuu sheegay in Addis Ababa rabto in AUSSOM ay si gaar ah uga shaqayso meelaha Al-Shabaab ka gaari karto xuduud-beenaadka Itoobiya.
“Addis Ababa waxay rabtaa in AUSSOM, ciidamada Soomaaliya iyo dalalka kale ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay si fiican u wadaagaan xogta sirdoonka iyo hawlgallada, si loo suggo amniga Itoobiya…” ayuu yiri Machadka IFA.
Waxa uu si cad u sheegay maqaalku in Itoobiya wax ay rabtaa uu yahay, in danaha amnigeeda ay ka dhex raadiso AUSSOM, isla markaana hawl-galku ahaado mid laga ilaaliyo in dalal kale ku fushadaan ajandayaashooda gaarka ah.
“Maadaama Itoobiya ay rabto inay ilaaliso danahaheeda, waa inay isu muujisaa inay raadinayso xal waara oo lagu xaqiijinayo amniga Soomaaliya iyo dalalka deriska ah…” ayuu yiri Machadka IFA isagoo talooyin siinaya maamulka Abiy Axmed.
Waxa kale oo uu intaa ku daray “Itoobiya markay la hadlayso Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay si loo sii wado hawl-galka AUSSOM, waa inaan laga fahmin inay u socoto ilaalinta danaheeda, balse ay isku muujiso inay raadinayso xal-u-helidda arrinta Soomaaliya…”
IFA waxa uu sidoo kale kula taliyey Itoobiya inay ka faa’idaysato saamaynteeda mustaqbalka AUSSOM, awooddeedana u beddesho saamayn dhab ah oo ay ku ilaalinayso amnigeeda, isla markaana ay miiska fariisato oo aysan sugin waxa laga yeeli doono hawl-galka AUSSOM.