Safiirka dowladda Xabashida Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleymaan Daddafo, ayaa ku eedeeyay Erateriya inay ciidamo hubeysan u dirtay gudaha Tigray, taas oo uu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Itoobiya.
Safiirku wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda TPLF ay xiriir iyo iskaashi la sameysatay dowladad Erateriya iyo kooxo kale oo hubeysan, iyadoo ujeeddadu tahay in laga hortago ama la rido dowladda federaalka Itoobiya.
Maamulka Abiy Axmed, waxa kale oo uu sheegay in ciidamo Erateriyaan ah iyo saraakiil sirdoon ay ku sugan yihiin Tigray, isla markaana uu jiro hub fara badan oo lagu daabulay gudaha gobolkaasi, iyadoo ay jiraan abaabulka qorsheyaal ka dhan ah dowladda federaalka.
Jeneraal Baca Dabale, oo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya, ayaa isna dhawaan si adag ugu goodiyey Asmara, waxaanu sheegay in Erateriya aysan sii jiri doonin, haddii ay joojin waydo faragelinta ay ku hayso Itoobiya.
Dhanka kale, Addis Ababa waxay sheegtay in haddii Asmara ay sii waddo xad-gudubka ay ku hayso Itoobiya ay qaadi doonto tallaabo militari oo ay ku tilmaantay mid is-difaac oo sharci ah.
Hanjabaadahan ayaa imanaya iyadoo horraantii bishan dagaallo culus ka qarxeen gobolka Tigrey gaar ahaan deggaanno ku dhow dhinaca xuduud-beenaadka Suudaan, kaas oo u dhaxeeya ciidanka Xabashida Itoobiya iyo kooxda TPLF.
Hay’ad-gaalleedda caafimaadka ee WHO ayaa iyaduna ka digtay in haddii Tigray dib ugu laabto dagaal, iyadoo dhinaca kalena qulqulatooyin ka jiraan Amxaarada, Oromada, Cafarta iyo Beniishanguul, ay Itoobiya wajahi doonto qalalaase amni iyo mid bani’aademnimo oo aad u ballaaran.