Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Itoobiya Oo Raadinaysa La Wareegtaanka Marin-biyoodka Baabul Mandeb.
  • Allposts
  • Warar

Itoobiya Oo Raadinaysa La Wareegtaanka Marin-biyoodka Baabul Mandeb.

December 31, 2024

Dowladda saliibiga ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku raadineyso in ay kula wareegto marin-biyoodka Baabul Mandeb oo ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Warbaahinta ku hadasha afka xabashida Itoobiya ayaa xaqiijisay in dowladda oo kaashaneyso dawladaha reer yurub sida Faransiiska si ay u hesho taageero caalami ah oo ku aaddan damaceeda marin-biyoodkan muhiimka ah. Qorshahan ayay itoobiya u sheegtay wadamada reer galbeekda ah in ujeedkiisu yahay in lagu fududeeyo ganacsiga caalamiga ah iyo in la xoojiyo ammaanka badda cas.

Qorshahan ayaa yimid iyadoo Itoobiya ay si xooggan u raadineyso marin badda Cas. Dalka Itoobiya oo aan lahayn badd u gaar ah ayaa muddo dheer ku tiirsanaa dekedaha waddamada jabuuti iyo soomaaliya. Hadda waxay sidoo kale u jeesatay dhanka Somaliland oo ay ka wado qorshe ay ku doonayso inay deked iyo saldhig ciidan ka sameysato Badda Cas.

Baabul Mandab ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan xamuulka shidaalka iyo badeecooyinka kale ee mara. Sannad kasta malaayiin tan oo badeeco ah ayaa ka gudba marin-biyoodkan, taas oo ka dhigaysa mid muhiim u ah dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah.

Itoobiya waxay ku doodeysaa in la wareegidda marin-biyoodkan ay ka caawin doonto sidii ay door muhiim ah ugu yeelan lahayd ganacsiga gobolka, iyada oo sidoo kale gacan ka geysanaysa xasilinta xaaladda ammaanka ee gobolka.

Qorshahan ay itoobiya dooneyso inay kula wareegto maamulka Baabul Mandab ayaa la rumeysan yahay in uu si adag uga careeysiin doono dalka Masar, oo si adag uga soo horjeeda inay Itoobiya saameyn ku yeelato Badda Cas. Masar ayaa u aragta damaca Itoobiya mid halis ku ah danaha istiraatiijiga ah ee gobolka iyo saameynta ay ku leedahay marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas. Sidoo kale, dalal kale oo ka tirsan gobolka ayaa ka walaacsan in Itoobiya ay awood dheeraad ah ku yeelato Badda Cas.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya ayaa khudbado dhowr ah oo uu ujeediyay baarlamaanka waddankiisa wuxuu ku sheegay in ay ka go’antahay gaarista biyaha badda Cas, Itoobiya ayaa sanadka hor maamulka Somaliland lagashay heshiis ay ku boobayso badda soomaaliya balse 11 bilood kadib markii uu heshiiskaas meelmar unoqon waayay ayay dowladda Turkiga kala kaashatay sidii Xasan Gurguurte uu ugu saxiixi lahaa qaadashada badda Soomaaliya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-06-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -30-06-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri

April 23, 2026
Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada