jabhadaha ugu tunka weyn mucaaradka Itoobiya ayaa sameystay isbahaysi ay ku midoobeen kaasi oo ujeedkiisu yahay sidii ay urid lahaayeen dowladda Xabashida Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.
wakaaladda wararka Faransiiska faafisay in kooxaha midoobay ay gaarayaan illaa iyo 7 jabhadood waxaana ugu weyn kooxda TPLF ee Tigreega iyo kooxda Faano ee Amxaarada iyo kooxda OLA ciidanka Xoreynta Oromada.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen kooxaha saxiixay heshiiska aasaaska isbahaysiga ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay wajahdo qalalaase siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo qoto dheer.
Kooxahan ayaa sheegay in xaaladda dalka ay u baahan tahay iskaashi ballaaran oo dhex mara dhinacyada siyaasadeed iyo kuwa bulshada, iyagoo ku doodaya in qaabka hadda jira uusan wax ka qaban karin caqabadaha waaweyn ee Itoobiya horyaalla sidaad daraadeed ay go’aansadeen in ay mideeyaan cududoodda ciidanka iyo midda siyaasadeed intaba.
Jabhadaha kale ee isbahaysigan lafdhabarta u ah waxaa kamid ah jabhadda xoreynta qowmiyadda Banii Shanghul iyo jabhadda kacdoonka Cafarta, sidoo kale waxaa afarta kooxood ee ugu horreeya kamid ah jabhadda ONLF ee ka jira dhulka Soomaaligalbeed.
Guddoomiyaha jabhadda OLA oo wareysi bixiyay ayaa carrabaabay in jabhadaha Tigreega iyo Amxaarada ay ogolaadeen in marka larido nidaamka Abiy Axmed ismaamulka Oromada uu noqdo dowlad ka madax banaan Itoobiya inteeda kale.
Samaysanka isbahaysigan ayaa imanaya xilli Itoobiya ay weli wajahaysay khilaafaadyo siyaasadeed iyo amni oo ka jira qaybo kala duwan oo dalka ah.
Isbahaysiga cusub wuxuu isku keenayaa kooxo leh dano kala duwan, taariikho iyo deegaano kala duwan lamana oga sida ay ugu heshiin karaan xukunka iyadoo la ogyahay in nidaamyadii soo maray Xabashida Itoobiya ay midaysnaayeen damaca dhulboobka muslimiinta mandiqadda geeska Afrika.
Arrimahan waxay imaanayaan waqti isbedel weyn uu ku yimid Juquraafiga siyaasadeed ee mandiqadda geeska Afrika ayna gobolka loollanno adag ka wadaan dowlado is xulufaysanaya.