Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Jabuuti Oo Ka Hadashay Burburka Shirkii Dhagarta Ee Ankara Ka Dhacay.
  • Allposts
  • Warar

Jabuuti Oo Ka Hadashay Burburka Shirkii Dhagarta Ee Ankara Ka Dhacay.

August 14, 2024

Markii ugu horraysay ayay xukuumadda dabadhilifka ah ee Jabuuti ka hadashay shirkii guuldarrada kusoo idlaaday ee ka dhacay wadanka Turkiga, kaasi oo looga doodayay qaabka dowladda xasbashida Itoobiya lagu siin karo qeyb kamid ah bdda Soomaaliya.

Xukuumadda Riddada Jabuuti ayaa muujisay in wax natiijo ah aysan kasoo bixi doonin wadahadallada udhaxeeya wufuudda kala metelaysa Xasan Gurguurte iyo Abiy Axmed.

Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Jabuuti, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Asharqul Awsat wuxuu si qota dheer uga hadlay damaca Itoobiya ee ku wajahan badda Soomaaliya,mustaqbalka wada xaajoodyada uu Turkigu garwadeenka ka yahay iyo mowqifka dowladdiisa ee arrintan ku wajahan.

Ugu horrayn Maxamuud Cali Yuusuf ayaa carabaabay in aan heshiis laga dhax filayn xukuumadaha Addis Ababa iyo Muqdisho sababa laxiriira Itoobiya oo doonaysa in ay qaadato badda Soomaaliya iyo nidaamka Villa Somalia oo aan ku dhiiran karin in uu saxiixo heshiis nuucaas ah.

Wuxuu markii ugu horraysay daaha ka feyday in Jabuuti ay bilo ka hor isku dayday in ay wadahadal dhax dhigto labada dhinacn si loo qaboojiyo buu yiri xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay MOU-gii lasaxiixay bishii janaayo ee sanadkan 2024.

Maxamuud Cali Yuusuf oo reja beel ka muujinayay wadadahadalla Turkiga ka socda, ayaa ku nuux nuuxsaday in waxa kaliya ee wadahadalladaas ku guulaysan karaan ay yihiin Itoobiya oo looga tanaasulo badda Soomaaliya “Xalku wuxuu ku jiraa in mid ka mid ah labada dowladood uu ka tago mowqifkiisa ku aaddan arrimaha badda ee laysku hayo.” ayuu yiri wasiirka khaarijiga Jabuuti.

Wasiirka Jabuutiyaanka ah ayaa wargeyska Asharqul Awsat uga cudur daartay in uu bixiyo tafaasiisha dhax dhaxaadintii fashilintay ee ay sameeyaan wuxuuna ku gaabsaday “ma awoodo in aan faah faahin dheeraad ah ka bixiyo waxa fashilay dhax dhaxaadinteeni sababa laxiriira sir ahaanshiyaha arrinkaas” ayuu markale yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Itoobiya oo horor ku ah badda Soomaaliya ay xiriir lasameysay Turkiga ayna ka codsatay in uu qaban qaabiyo shirar looga doodayo sidii ay ku heli laheyd qeyb kamid ah badda Soomaaliya waxaana kasii horreeyay ayuu tibaaxay wadahadallo ka dhacay Kenya kuwaas oo aan wax natiijo ah laga keenin.

Waxaa xusid mudan in maalmo yar ka hor intii aysan Muuse Biixi iyo Abiy Axmed kala saxiixan heshiiskii xaaraanta ahaa uu Ismaaciil Cumar Geelle kulmiyay Xasan Gurguurte iyo hoggaamiyaha maamulka Somaliland arrinkaas oo shaki badan gelinaya in Jabuuti ay daaha gadaashiisa ka taagantahay shirqoolka waloow markii dambe Geelle uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah maamulka Hargeysa.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -10-02-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-02-1446 Hijri.

Related Stories

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri

June 11, 2026
Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada