Warbaahin taabacsan isbahaysiga Sacuudiga ayaa sheegtay in Jeneraal Daariq Saalax oo ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Yemen uu ka cararay wadanka maalmo kadib markii ay kooxaha Xuuthiyiinta lawareegeen magaalooyin muhiim ah oo dhaca xeebaha galbeed ee wadankaasi.
Jeneraal Daariq oo wato ilaala kooban ayaa ku baxsaday doon yar saacado ka hor intii aysan Xuuthiyiintu lawareegin magaalada dekadda leh ee Almukha.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saalax uu gaaray mid kamida magaalooyinka Soomaaliya kadibna si qarsoodi ah loogu dhoofiyay wadanka isku tagga Imaaraatka Carabta.
Guuldarradii weyneed ee xukuumadda dabadhilifka Yemen kasoo gaartay dagaalkii soo billaawday sedaxdii bishan ayaa sababay in saraakiishii ugu sarraysay ciidankeeda ay dalka isaga cararaan waxaana taagan fadeexad ka dhalatay guuldarrada aadka uliidata ee ka dhacday gobollada Saaxilka.
Sidaan si lamid ah horraantii Sanadkan Jeneraal Ceyduruus Alzubeydi oo ahaa hoggaamiyihii ismaamul goboleedka Koonfurta Yemen ayaa usoo baxsaday Soomaaliya kadib markii maleeshiyaadkiisa looga awood roonaaday dagaalladii dhacay kadibna waxaa diyaarad laga saaray garoonka diyaaradaha Hargeysa wuxuuna hadda ku sugan wadanka Imaaraatka Carabta.