Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Joe Biden: Afghanistan Waa Qubuuraha Soo Duuleyaasha.
  • Allposts
  • Warar

Joe Biden: Afghanistan Waa Qubuuraha Soo Duuleyaasha.

August 17, 2021

Joe Biden madaxwaynaha dowladda saliibiyada ah ee Marykanka oo ka hadlayay isbadallada muuqda ee ay gashay Afghaanistaan 20 sannadood ka dib markii ay dowladdiisu iclaamisay dagaal ka dhan ah xukuumaddii islaamiga ee ka jirtay dalka Afghaanistaan, ayaa soo bandhigay xogo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka Afghanistaan iyo fashilka xukuumaddiisa iyo tan Ridada Kaabul.

Madaxwaynaha Maryakanka oo khudbad ka jeedinayay mid ka mid ah telefishannada kasoo baxa dalka Maraykanka waxa uu sheegay in uu qaaday tallaabo geesinimo leh uuna ka dhabeeyay ballanqaadkiisii ahaa in uu ciidamadiisa kala bixi doono dalka Afghanistaan, Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya si loo badbaadiyo haraadiga ciidamada dowladdiisa.

Biden waxa uu tacab khasaaray ku tilmaamay xukuumadii Ridada Kaabul iyo ciidamadii ay soo qalabaynayeen 20-kii sanno ee lasoo dhaafay oo ku hor burburay toddobaad gudihiisa iyagoo aan wali ka dhammaan waddanka.

Biden Waxa uu sheegay in madaxwaynihii naftiisa kala baxsaday qasriga madaxtooyada uu usoo jeediyay dalab ah inay heshiis la galaan imaarada islaamiga si ay naftooda u badbaadiyaan balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in Ashraf ghaani uu ka biya diiday dalabkiisa uuna doorbiday dagaal ay ciidamadiisu la galaan dagaalyahannada Daalibaan.

” Dowladda Afgaanistaan ​​waxay u burburtay si deg deg ah oo ka fog sidii aan filaynay, laakiin ma la dagaallami karno dagaal aan la galno Daalibaan iyadoo aysan ciidamada Afgaanistaan diyaar u ahayn inay ka qaybgalaan.” ayuu yiri Joe Biden.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa afghanistan ku tilmaamay dhul hoy u ah qubuuraha soo duuleyaasha isagoo tilmaamay in ay ku hungoobeen dagaalkii ay ku qaadeen dalka Afghanistan.

“Waxa aan hadda aragnaa waxay caddeyneysaa in aanay jirin ciidan millatari oo wax ka qaban kara dhacdooyinka ka taagan Afghaanistan, oo loo yaqaan qabuuraha soo duuleyaasha , laakiin Shiinaha iyo Ruushka waxay doonayaan in Mareykanku sii wado dhaqaalaha uu ku bixiyo dagaalka aan joogsiga lahayn .” waxaa sidaas yiri Joe Biden.

Ciidamada Imaarada islaamiga Afghaanistaan ayaa sanka dhulka ugu jiiday ciidamada dowladda Maraykanka oo lagu sheego inay tahay dowladda ugu tunka wayn caalamka iyo xulafadooda Nato ka dib 20 sanno oo dagaal jihaad ah lagula jiray saliibiyiinta soo duushay.

Afghanistaan waxaa horay ugu fashilmay dowladaha Ingiriiska iyo Ruushka uu mid ba mar soo tijaabiyay ka dib markii lagu qasbay inay dharaar cad ka cararaan waddanka dowladda Maraykankuna waxay qaaday dhabihii ay reer Afghanistaan marsiiyeen Ruushka iyo Ingiriiska.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dagaallo Ka Dhacay Qeycad Iyo Ciidamada Dowladda Oo Lagu Jabiyay.
Next: Dagaal Gaadiid Lagu Furtay Askarna Lagu Laayay Oo Ka Socda Mudug.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada