
Magaalada Nifaasha ee wadanka Kenya waxaa ka furmay kulamo udhaxeeya qaar kamid ah madaxda dowladaha saliibiyiinta geeska Afrika iyo madaxa kooxda Riddada Soomaaliya.
Kadib amar uga yimid waxa loogu yeero beesha caalamka ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku qasbanaaday in uu usafro dalka Kenya halkaas oo xarun u ah inta badan sirdoonnada kufriga caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ku lugta leh duulaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladaha Kenya,Itoobiya iyo Uganda ay ku cadaadiyeen hoggaamiyaha kooxda Riddada in uu tago magaalada Nairobi si loola wadaago xogihii ugu dambeeyay ee amniga iyo siyaasadda Soomaaliya.
Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa xulufadooda Afrikaanta ah faray in ay qeyb ka noqdaan cadaadiska lagu hayo Xasan Sheekh si uu uga baaqsado burbur lama filaan ah oo ku imaan kara kooxda Riddada Soomaaliya ee shisheeyuhu kusoo dhiseen xera Doofaarreey oo kutaal wadanka Kenya sanaddii 2004.
Kulamada oo ka bilaawday magaalada loo nasashada tago ee Nifaasha ayay wakiillada ka socda dalalka ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya Xasan Gurguurte ugusoo bandhigayaan mowqifkooda dhabta ah ee khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Riddada.
Dowladda Itoobiya iyo Uganda ayaa lasoo tebiyay in ay farriimo kulul udhiibeen madaxweynaha kooxda Riddada ayna fareen in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula heshiiyo kooxaha mucaaradka ah ee ay siyaasadda isku hayaan.
Safarka Xasan Gurguurte ee Kenya ayaa imaanaya maalmo yar ka hor inta aysan Muqdisho dib uga billaaban dadaallada ay reergalbeedku ku doonayaan in labada dhinac lagu dhax dhaxaadiyo.
Qorshe doorasho oo maalmo ka hor ay mucaaradku kusoo bandhigeen Muqdisho ayaa Xasan Sheekh cadaadis ku noqday iyadoona dalalka geeska Afrika ay ku eedeeyeen in uusan xal dooneyn.
Horraantii bishan ayay iska hor’imaadyo xooggan degmooyin katirsan gobolka Banaadir ku dhaxmareen maleeshiyaadka DF-ka iyo ciidamo daacad u ah kooxaha mucaaradka ah arrinkaas oo banaanka soo dhigay sida ay ujilacsantahay kooxda Riddada Soomaaliya.