Xukuumadda saliibiyadda Kenya ayaa muujisay walaac aad u xooggan oo dhanka amniga ah kadib markii bilahan u dambeeyey mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii kordhiyeen hawl-gallada ay ka fuliyaan gobollada ay xoogga ku haysato dowladda Kenya.
Wargeyska Kenya ee The Star ayaa warbixin uu shalay daabacay ku faahfaahiyey qaybo ka mida xogta weerar mujaahidiinu ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Konton ee hoostaga degmada Qorof Xaraar ee gobalka Wajeer oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Sida uu sarkaal boolis usheegay wargeyska mujaahidiinta ayaa fiidka habeennimadii Axadda ee lasoo dhaafay weerar ku qaaday Ciidamo Kenyaati ah oo fadhigoodu yaahy xerada Konton, kuwaas oo xilligaasi ku gudo-jiray hawl-gal roondo ah.
Mujaahidiinta ayaa rasaas xooggan huwiyey ciidamada Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal, sida uu wargeyska u sheegay mas’uul deggaanka ah.
Inkastoo wargeysku ka gaabsaday faahfaahinta khasaaraha cadowga gaaray haddana waxa uu sheegay in weerarkaasi kadib saraakiinsha ammaanku ay heegan sare galeen isla markaana ay bilaabeen qiimaynta khasaaraha ka dhashay hawl-galkaasi.
“Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli walaac amni uu weli ka jiro xadka waqooyi ee Kenya, halkaas oo hay’adaha ammaanku ay kordhiyeen roondooyinka iyo kormeerka si looga hortago weerarro Al-Shabaab” Ayuu yiri wargeysku daabacay.
Saraakiisha ammaanka dowladda Kenya waxay walaac ka muujiyay xeeladaha ay mujaahidiintu u adeegsanayaan weerarada isku xiran ee ay ka geysanayaan dhulalka Soomaalida NFD iyo gobolka gummeysiga kujira ee Lamu.
“Bishii lasoo dhaafay, Al-Shabaab waxay bartilmaameedsatay xarumaha ammaanka ee Mandheera, Gaarisa iyo Laamuu, kuwaas oo ahaa weerarro sahamin ah oo ay saraakiishu aaminsan yihiin inay muujinayaan qorshayaal loogu diyaargaroobayo weerarro soo socda.” Ayuu yiri sarkaal ciidan usheegay wargeyska.
Si kastaba ha ahaatee, qoob-gariirka lasoo dersay Kenya ayaa imaanaya xilli Mujaahidiintu ay sii xoojiyeen hawl-galladooda, isla markaana uu fashilmay burbur-na qarka u saaran yahay hawl-galka Kufaarta Afrikaanya AUSSOM ee qaybta ay ka yihiin ciidamada Kenya.