Maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu soo daadiyay xaafadda Saraha Ceymiska ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in jidadka xaafadda lagu arkay gaadiid nooca kuwa dagaalka ah oo lagu hor geeyay guryaha ay degganyihiin shacabka ku dhaqan xaafaddaasi, waana gaadiidka ay ku qalabeysanyihiin maleeshiyadan, kuwaas oo loogu talagalay inay kooxda Riddadu u adeegsato dadka abriyada ah ee ay dhulalkooda boobeyso.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay la kulmeen handadaad iyo caga-jugleyn laguna amrayo inay ka guuraan guryahooda, haddii ay amarkaasi ka dhaga adeeggaanna lagu dul-dumin doono guryahooda.
Dhul-boobka kooxda Riddada Xassan Gurguurte ka sameynayso xaafaddan, ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo dumisay guryihii shacabka ee xaafadda Tookiyo ee isla degmada Yaaqshiid, halkaas oo ay kooxda Riddadu si Khasab ah uga barakicsay kumannaan qoysas ah.