Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Khasaare Baaxad Leh Oo Ka Dhasahay Diyaarad Millateri Oo Ku Burburtay Xerada Xalane.
  • Allposts
  • Warar

Khasaare Baaxad Leh Oo Ka Dhasahay Diyaarad Millateri Oo Ku Burburtay Xerada Xalane.

July 2, 2025

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya diyaarad millateri oo ah nooca qummaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter-ka ay saaka kusoo dhacday agagaarka teendhada Afisyooni ee xayndaabka xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ay deggen yihiin kuffaarta caalamka ee duullaanka saliibiga ah kusoo qaadday dalka Soomaaliya.

Diyaaraddan oo gebi ahaanba burburtay ayaa la sheegay in ay kasoo kacday saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ballidoogle sida uu xaqiijiyey Maareeyaha hey’adda duulista ee kooxda riddada Soomaaliya, Murtadka lagu magacaabo Axmed Macalin Xasan.

Wararka horu-dhaca ah ee soo baxaya ayaa tilmaamaya in diyaaraddu ay rabtay in ay ku degto gudaha xerada Xalane, gaar ahaan qaybta loo yaqaan M23 oo ay deggen yihiin saraakiil ka tirsan AFRICOM, shaqaalaha safaaradda Maraykanka, iyo weliba sirdoonka Maraykanka ee ka hawl-gala gudaha dalka Soomaaliya.

Agaasimaha hey’adda duulista ayaa sidoo kale sheegay in diyaaraddan ay lahaayeen ciidamada Kuffaarta Afrikaanta AUSSOM, gaar ahaan kuwa ka socda dowladda saliibiyadda Yugaandha, waxaanu xusay in ay saarnaayeen ugu yaraan 8 qof, inkasta oo uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashay burburka diyaaraddaasi.

Sida ay tibaaxayaan xogaha ilaa hadda soo baxay, diyaaraddan oo nooceedu ahaa kuwa xamuulka ayaa sidday saanad millari iyo xubno ciidan ah oo ka badan inta uu carabaabay murtadkani. Kuwaasoo loo badinayo in dhammaantood ay ku bakhtiyeen goobtaasi. Iyadoo sidoo kalena lasoo warinayo in ay jiraan dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh oo uu geystay dab xooggan oo ka kacay diyaaradda.

Qiic iyo uuro madow oo cirka isku shareeray ayaa laga arkaayay meelo aad uga fog goobta ay ku burburtay. Waxaana muuqaallada laga helay ee sida aadka ah ugu faafay baraha bulshada ay muujinayaan baaxadda khasaare ee diyaaraddaasi geysatay iyo weliba baabuur fara badan oo goobtaasi ku basbeeshay, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqatay astaanka urur-gaaleedka la baxay Qaramada Midoobay.

Ilo amni oo ku sugan xerada Xalane ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in diyaaraddu ay gebi ahaanba basbeeshay, kadib markii uu qarax weyni ka dhacay gudaheeda, isla markaana uu ka kacay qiic iyo uuro madow oo qabsaday agagaarka goobtii ay ku dhacday.

Isku dayo la rabay in gurmad loogu fidiyo diyaaraddaasi ayaa gebi ahaanba fashilmay sida ay saraakiishu xaqiijiyeen saraakiishu, sababo la xiriira dabka ka kacay diyaaradda oo la sheegay inuu aad u xoogganaa isla markaana saamayn ballaaran ku yeeshay goobo ka durugsan meeshii ay ku dhacday.

Dhacdadan ayaa geesta kalena saamayn xooggan ku yeelatay duullimaadyada garoonka diyaaradaha ee  Muqdisho, kadib markii uu dibu-dhac ku yimid duullimaadkii shirkadda Turkish Airways oo si joogta uga soo degi jirtay garoonka Muqdisho, taas oo lagu soo warramayo in khadkeedii ay u leexisay dhinaca Kenya.

Burburka diyaaradaha ciidamada saliibiiyiinta ayaa muddooyinkii dambe aad ugu soo badanaya dalka Soomaaliya. Ku dhawaad bil ka hor ayaanay ahayd markii diyaarad Helicopter ah ay mujaahidiintu kusoo rideen deggaanka Xawaadley ee wilaayada Shabeellaha dhexe, halkaas oo isla maalintaasi ay mujaahidiintu la wareegeen, kadib markii ciidamada saliibiyiintu ay halkaasi isaga firxadeen, iyagoo ka cabsi qaba gulufka xooggan ee geesiyada Tawxiidku ay ka wadaan deggaannadaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 07-01-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-01-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.

June 12, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.

June 12, 2026
Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.

June 12, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada