Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ku Dhawaad 100 Askari Oo Ciidanka Abiy Looga Dilay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 100 Askari Oo Ciidanka Abiy Looga Dilay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.

November 9, 2025

Wararka ka imanaya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya ugu yaraan 90 askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaal ka dhacay waqooyiga iyo galbeedka gobolka Amxaarada, sida ay Fano shaacisay jimcihii lasoo dhaafay.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus ayaa millateriga Itoobiya iyo maleeshiyaadka Fano ku dhex-maray deggaannada Asheewa ilaa Addis Kidam. Waxaana sida la sheegay ciidanka dawladdu ay u dhaqaaqeen dhanka buuraha Adguami iyo Asheewa oo ay isugu tageen.

Sida ay Fano sheegtay, saraakiil ciidan oo taliyayaal ah ayaa ku dhintay dagaalka, inkasta oo magacyadooda aan la shaacin. Waxa kale oo jabhaddu xustay in gebi ahaanba ay dhulka la sintay dhismayaashii dawladda ee deggaanka Addis Kidam.

Sidoo kale hawl-gal qorshaysan oo maleeshiyaadka Fano ay ka fuliyeen deggaanka Agaw Mider oo ka tirsan Gojjam, ayaa dhegta dhiigga loogu daray ugu yaraan 22 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, halka 29 askari oo kalena lagu dhaawacay.

Dagaalkan oo sidoo kale aad loogu wiiqay ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa dhanka kalena maleeshiyaadka Fano ay kusoo furteen saanad millateri oo aad u fara badan oo ay ku jiraan 24 qori iyo 328 xabbo oo Rasaas ah.

Waqooyiga gobolka Amxaarada, waxa isna ka dhacay dagaal culus oo ka dhashay kamiin ay maleeshiyaadka Fano ku bartilmaameedsadeen ciidanka Xabashida Itoobiya ee ku sugan galbeedka Gonder, kuwaas oo xilligaasi kusii jeedey deggaanka Abrahajira.

Weerarkan oo dhacay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa lagu dilay ugu yaraan 18 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, 26 askari oo kalena waa lagu dhaawacay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska maleeshiyaadka Fano ee galbeedka Gondar.

Dagaalladan ayaa kusoo aadaya xilli guud ahaan xaaladda Itoobiya ay sii laba-kaclaysay isla markaana dhinaca soohdinta ay wadaagaan Tigreega iyo Canfartana uu ka dhacay dagaal ay kooxda TPLF kula wareegtay 6 tuullo oo ka tirsan deggaannada Canfarta.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -18-05-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-05-1447 Hijri.

Related Stories

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri

June 11, 2026
Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada