Dagaallo culus ayaa Khamiistii ka dhacay galbeedka Yemen, gaar ahaan jiidaha Al-Xudeydah iyo Taciz, kadib markii Xuutiyiintu ay weerar dhulka ah oo ay la socdeen gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen ciidamada dowladda.
Sida lagu xaqiijiyey xog soo baxday Jimcihii, dagaalladan bilowday Khamiistii waxaa ku dhintay ugu yaraan 66 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, 62 ka tirsanaa maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo sidoo kale 1 qof oo la sheegay inuu ahaa qof shacab ah.
Dagaalladan ka socda Yemen ee u dhexeeya ciidamada dowladda taageera iyo Xuutiyiinta ayaa sidoo kale Sabtidii sababay dhimashada in ka badan 60 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah.
Sida ay sheegayaan saddex ilo-wareed oo militari oo Yemen ah, 26 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Sabtidii la dilay kadib saacado badan oo dagaal ah oo ka dhacay koonfurta galbeed ee Yemen, gaar ahaan Gobolka Taciz.
Ilo caafimaad iyo militari oo ka tirsan Xuutiyiintu ayaa iyaguna dhankooda waxay sheegeen in la dilay 31 askari oo Xuutiyiin ah.
Sidoo kale ilo caafimaad oo ku sugan magaalada Taciz, oo ay dowladda daba-dhilifka ah maamusho, ayaa sheegay in gantaal lagu dhuftay bas ay saarnaayeen dad rayid ah, taas oo sababtay dhimashada 6 qof iyo dhaawaca toddobo kale.
Kadib markii ay bishii July ku dhawaaqeen xannibaad dhinaca Badda Cas ay kaga soo rogeen Sacuudiga, Xuutiyiintu waxay bilaabeen duullaan dhulka ah oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaannada ku teedsan marin-biyoodka Baabul-Mandeb.
Ujeedda Xuutiyiinta oo ah xoojiyaanta gacan-ku-haynta marin-biyoodkan muhiimka ah, ee isku xira Aasiya iyo Yurub, isaga oo sii mara Kanaalka Suweys, ayaa muhiimaddiisu sii korodhay tan iyo markii uu billowday dagaalka Bariga Dhexe iyo markii Iiraan ay xirtay marin-biyoodka Hormuz, oo ku yaalla dhinaca kale ee Jasiiradda Carabta.
Kooxda taageerta Iiraan ayaan hadda gacanta ku hayn deegaanno si toos ah ugu jeeda Baabul-Mandeb, balse waxay maamulaan magaalada weyn ee dekedda ah ee Xudeydah, oo waqooyi ka xigta. Waxa kale oo ay qabsadeen goobo istiraatiiji ah oo ku yaalla dhulka sare, kuwaas oo siin kara goobo cusub oo ay ka beegsadaan gaar ahaan maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga.
“Saacadaha soo socda ayaanu noqon doonaa kuwo go’aamiya,” ayuu yiri mas’uul militari oo ku sugan Taciz, kadib markii Xuutiyiintu laba maalmood ka hor qabsadeen goobo ku dhow magaalada.
Xuutiyiintu waxay si gaar ah u doonayaan inay gooyaan marin-u-helidda magaalada dekedda ah ee Mukha, oo ay dowladdu maamusho, isla markaana toddobaadyadii u dambeeyay bartilmaameed u ahayd weerarrada.
Tan iyo markii dagaalladu ay dalkan burbursanaa ee Yemen dib uga bilowdeen bishii July, waxaa sii kordhay weerarrada loo adeegsanayo gantaallada, madaafiicda riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dowladda Yemen, oo taageero ka hesha dowladda Sacuudiga oo fulisa duqeymo cirka ah, ayaa Sabtidii go’aansatay inay ciidamo xoojin ah oo ka yimid Cadan u dirto goobaha ay dagaalladu ka socdaan.
Bishii July, duqeymo loo aaneynayay Riyadh ayaa lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha Sanca, oo ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan. Halkaas ayay Iiraan u dirtay diyaarad sidday wafdi Xuutiyiin ah.
Wixii intaas ka dambeeyay, Xuutiyiintu waxay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadayaan goobaha militari iyo deegaannada ay dowladda maamusho.