Ma daneeyo inaan wax ka qoro arimaha ku saabsan culimada Soomaaliyeed, balse mararka qaar ammaanada qalinku waxay igu xambaareysaa inaan iftiimiyo xaqiiqooyin jira oo saameyn ku leh diinta, fikirka iyo mustaqbalka bulshada.
Inkasta oo tiknoolajiyaddu sahashay in si degdeg ah loo ogaado waxa ka dhacaya caalamka, haddana labadii bilood ee la soo dhaafay waxaan si gaar ah ugu kuurgalayey xaaladda dalka iyo xasaradaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka, maamul-goboleedyada iyo mucaaradka.
Markii ay dowladdu weerartay magaalada Baydhabo, oo uu isbeddel xooggan ku yimid maamulka Cabdicasiis Laftagareen, waxaa baraha bulshada ka billowday dood-furan (open debate) iyo fal-celinno aad u kala duwan oo u badnaa caadifad iyo qabyaalad.
Mid ka mid ah hadalladii ugu xasaasiyadda badnaa badnaa wuxuu kasoo baxay Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Cali Wajiis), kaasoo Xasan Sheekh ku taageeray duullaankiisa Baydhabo, kuna dhiirigeliyey inuu weeraro maamul goboleedyada kale sida Jubbaland.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Diinta Islaamka ay Madaxweynaha u ogolaaneyso inuu qaado tallaabo lamid ah midda uu ku maquuniyey Laftagareen. Hadalkaas waxaa ka dhashay muran xooggan iyo fal-celinno baahsan, waxaana soo baxay shaki ah inuu jiro abaabul weerar maadaama Cali Wajiis uu yahay la-taliyaha Xasan Sheekh.
Jawaab-Celinta uu la kulmay Sheekh Cali Wajiis
Hadalka Cali Wajiis waxaa si aan horey loo arag uga falceliyey Sheekh Maxamad Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Maxamad Shibli oo labaduba ku nool magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Sheekh Umal wuxuu dhaliilay habka ay culimadu qaar u adeegsanayaan diinta si ay u taageeraan siyaasiyiin ku heyb ah oo ay isku qabiil yihiin, isagoo ka digay in si khaldan loo fasirto Qur’aanka iyo Sunnaha, si loo sharciyeeyo dulmi ama khalad siyaasadeed.
Inkastoo uusan si toos ah carrabka ugu dhufan Cali Wajiis, haddana wuxuu bidhaamiyey hab-dhaqankiisa ku aaddan difaacidda indho la’aanta ah ee gefafka Madaxda Villa Soomaaliya. Sida ka muuqatay hadalkiisa xataa wuxuu taabtay caqiidadiisa, oo wuxuu ku eedeeyey inuu dastuur iyo kufri difaacayo.
Sidoo kale Sheekh Shibli ayaa la kala baxay khudbad uusan nooceeda waayahan jeedin, wuxuuna soo uruuriyay qaar kamid ah nusuusta Qur’aanka iyo Sunnada ee ka digeysa culimada xun ee ka been sheegay diinta.
Kolkuu hoos usoo daadajiyey hadalkiisa wuxuu farta ku fiiqay inay jiraan wadaado la safan xumaanta, dulmiga iyo qabyaaladda, markaan akhriyey tacliiqaatka ama comments ka laga dhiibtay khudbadahan waxay u badnaayeen kuwa u kala gar qaadaya labadan wadaad ee isku fakarka ah iyo Cali Wajiis oo dhanka kale ah.
Maxaa Hadda Qarxiyay Khilaafka?
Intaas waa xogta iyo xaqiiqda jirta ee taalla baraha bulshada, waxaanse rabaa hadda inaan usoo daadago dulucda iyo laba arrimood oo sabab u ah in dhinacyadu hadda kala fogaadaan, xilli markii hore ay wax walba saaxiibbo ku ahaayeen.
Arrinta Koowaad; Sheekh Cali Wajiis wuxuu Madaxtooyada Muqdisho la xamaalanayey tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen Muqdisho sannadkii 2007, illaa xilligaas wuxuu ahaa nin difaaca Itoobiyaanka iyo hadba Madaxweynaha Villada yimaada, saasoo ay tahayna ma dhici jirin in Sheekh Umal iyo Sheekh Shibli u jawaabaan, kaliya waxaan arki jiray Sheekh Xassaan oo si cad oo aan gabbasho lahayn u dhalliila, sax iyo khalad waxay ahaataba. Maxaa hadda isbeddelay?
Kadib markii aan sameeyay kuurgal iyo xooraansi badan, waxaan ogaaday in Sheekh Umal iyo Sheekh Shibli ka caroodeen hadalka Cali Wajiis ee ku aadan weerarka ka dhanka ah maamul goboleedyada gaar ahaan Jubbaland, maxaa yeelay waxaa maamulka Kismaayo madax u ah Axmad Maxamad Islaam oo ay qaraabo yihiin labada Sheekh.
Maanta waxaa nasiib darro ah in wadaadada Soomaaliyeed ay u qiiroodaan qabiil iyo siyaasi ay qaraabo yihiin oo isaguba aan waxba ka duwaneyn midka ay ka difaacayaan, xilli ay tobannaan sano ka aamusnaayeen wixii ay Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmad Salaad ku garab taagnaayeen dowladda sida xeerarka Jinsiga IWM.
Arrinta Labaad
Khilaaf hoosaad aad u xooggan ayaa ka dhex taagan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kaasoo ku saleysan arrinta Jubbaland, waayo Kenya waxay isku aragtaa inay iyadu qabsatay Jubbada Hoose, masuulna ka tahay inay maslaxadeeda ku ilaashato maamulka uu madaxda ka yahay Axmad Madoobe, si lamid ah sidii ay masuulka uga ahayd dhismihiisa.
Maadaama culimadu ay joogaan Kenya waxaan is weydiiyey suuragalnimada in dowladda iyo siyaasiyiinta xukuumadda Nairobi ay ka dambeeyaan hadallada kulul iyo hangoolka lagu qabtay Sheekh Cali Wajiis, laakin aniga sidaas ayay ila noqotay.
Shalay 12 April Khudbaddii uu Xasan Sheekh ka jeediyay Wasaaradda Gaadhaandhigga wuxuu u mahad celiyey dowlado gaar ah oo ay ugu horreeyaan Uganda iyo Itoobiya, waxaa jirta inaanu marnaba soo hadal qaadin dowladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Wadaad Aan Mabda’a Lahayn
Runtii aad baan u niyad jabay markaan arkay wadaado Soomaaliyeed oo qabiil ahaan u kala safanaya maamullada dalka ka jira oo qaarkood Yahuud kusoo wada dalka. Wadaad waa inuu noqdaa mid u taagan xaqqa iyo danta guud ee wadanka, waa inuu noqdaa mid maalinka diinta hiilka u baahan tahay u istaaga, waa inuu ahaadaa mid hogaamiyaha jaa’irka ah hortiisa xaqqa ka sheega, waa inuu noqdaa mid aan ka aamusin xasuuqa ay diyaaradaha shisheeye u geysanayaan maatida, waa inuu iska ilaaliyaa arrin qabiil iyo caadifada jaahiliyada.
Dhanka kale waxaa i dhiirigelinaya dadka Soomaaliyeed sida uu wacyigoodu usoo kobcayo, una dareemayaan waxa ka hadalsiinaya wadaadadan markay arkaan wadaado careysan oo hadal-jeedin aan horay looga baran lasoo fuulay manaabirta, waxaan baraha bulshada ku arkay boqollaal qormo oo ay soo daabaceen dadweynaha cinwaanna uga dhigeen “Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis” iyo “Sheekh Shibli iyo Sheekh Cali Wajiis.”
Ugu dambeyntii aniga fakar ahaan labada dhinac ma jiro mid aan la safanahay, qoraalkeyga ayaana ka marqaati kacaya, laakin saasoo ay tahay ma diidani in Sheekha Soomaaliga ah uu kahortago ama gacanta qabto wadaadka saaxiibkii ah ee xadgudubka sameynaya, laakin waxaan dhibsanayaa in shacabka Soomaaliyeed loo cag-wareejiyo oo la isaga dhigo in diinta la difaacayo iyadoo dano qabiil ama masaalix gaar ah laga shaqeynayo.
Sheekha wanaagsan ee Soomaaliga ah waa midka sida tooska ah u xambaaray dhaxalka Nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallam, mar walbana xaqa cadeeya, iskana ilaaliya midabbada kala duwan, Allow culimada noo hagaaji, qabiil baa na dilloodaye, qalbiyadeena qabyaaladda ka saar, laabteenana diinta ku weeynee.
WQ: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Stockholm, Sweden