Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Warbixin Caalami Ah Oo Ka Dayrisay Qulqulatooyinka Ka Aloosan Gudaha Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Warbixin Caalami Ah Oo Ka Dayrisay Qulqulatooyinka Ka Aloosan Gudaha Itoobiya.

May 31, 2026

Foreign Affairs oo ah majallada caalamiya oo kasoo baxda waddanka Maraykanka ayaa ka dayrisay xaaladda cakiran ee amni iyo siyaasadeed ee ka taagan dalka Itoobiya.

Warbixin ay majalladu baahisay maalmo ka hor, ayay ku sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay khataraha dagaallo cusub iyo xasillooni-darro sii socota oo kusii fidaya gudaha Itoobiya.

Waxay xustay warbixintu in gobolka Tigray ay ka jira kala qaybsanaan cusub oo u dhexeysa kooxaha TPLF iyo garabyo kale oo kasoo go’ay, taasoo kordhinaysa halista dagaal cusub.

Jabhadda Fano oo markii hore dawladda garab taagnaa ayaa hadda dagaal adag kula jira ciidanka federaalka, iyagoo sheegtay inay gacanta ku hayaan 80% gobolka Amxaarada.

Sidoo kale, jabhadda Oromada ee OLA ayay warbixintu ka dhawaajisay in iyaguna ay weli dagaal adag kula jiraan maamulka Addis Ababa ee garwadeenka R/Wasaare Abiy Axmed.

Majallada Foreign Affairs, waxa kale oo ay ka sanqarisay in xaaladda cakiran ee ka aloosan gudaha Itoobiya ay sidoo kale uga sii dartay khilaafka Addis Ababa iyo qaar ka mida dalalka deriska.

Warbixintu waxay ka digaysaa in Eritrea ama Masar ay taageeri karaan kooxaha hubeysan ee ka hawl-gala gudaha Itoobiya, taasoo sii xumeyn karta ayay tiri, amniga dalka.

Waxaa jirta ayay tiri warbixintu, cabsi weyn oo laga qabo in Masar iyo Eritrea ay maalgeliyaan oo ay hub siiyaan jabhaddaha ka hawl-gala gudaha Itoobiya si ay u wiiqaan nidaamka Abiy Ahmed.

Warbixintan ayaa kusoo aadaysa xilli maamulka Abiy Axmed ku hawlan yahay doorashooyin si weyn la iskugu khilaafsan yahay oo qabsoomiddooda loo asteeyey 1-da Juun oo ku beegan maalinta berrito ah.

Fano ayaana dardar xooggan gelisay weerarradeeda tan iyo Maarso 2026, iyadoo caqabad ku noqotay qorshaha maamulka Addis Ababa ee qabashada doorashooyinka baarlamaanka federaalka Itoobiya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-12-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-Dulxijah-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-02-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-02-1448-Hijri

July 22, 2026
Shirkii Mucaaradka Iyo Kooxda Gurguurte Oo Fashil Ku Dhamaaday.
  • Allposts
  • Warar

Shirkii Mucaaradka Iyo Kooxda Gurguurte Oo Fashil Ku Dhamaaday.

July 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -08-02-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -08-02-1448 Hijri.

July 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada