Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka ashahaada la dirirka Puntland, ayaa looga hadlay loollanka deegaannada maamulkaasi ku dhexmaraya kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo Gurguurte iyo maamulka uu hoggaanka u hayo Deni.
Bayaanka maamulka Riddada Deni, ayaa lagu mamnuucay in xuduudaha iyo sidoo kale deegaannada maamulkaasi ay soo galaan saraakiisha ama masuuliyiinta xilalka ka haya kooxda Riddada ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka fadhigiisu yahay Garoowe, ayaa sidoo kale ku celiyay in deegaannada maamulkaasi aysan ku sugnaan karin maleeshiyo aan ahayn kuwa maamulka, sidoo kalena aan lagu arki karin gaadiid dagaal oo aan ahayn kuwa maamulkaasi.
Kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Xasan Gurguurte ayay ku eedeeyeen inay hub kusoo daabulayso deegaannada maamulka la baxay Puntland, tallabadan ayuu ka digay maamulka Siciid Deni, waxayna sheegeen in soo dejinta hubkaasi ay kooxda Riddadu u adeegsanayso garoomo kala duwan.
Diyaaradaha ayay sidoo kale uga digeen inay soo qaadaan hub ay ku sheegeen mid sharci darro ah, diyaaraddii ka dhega adeegta amarka maamulka ayay intaa ku dareen in wixii ku dhaca ay iyadu masuul ka tahay sida ay warka u dhigeen.
Warka kasoo baxay maamulka Deni, ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Jimcaale oo ay kooxda Gurguurte usoo magacowday taliyaha maleeshiyo ay ka abaabulayso deegaannada maamulkaasi uu ka degayo garoonka diyaaradaha ee Goldogob, halkaas oo sidoo kale maanta la sheegay in laga dejiyay hub iyo ciidan ka socda kooxda Riddada.