Maamulka Yahuudda Sahaayinada ayaa ciidamo kooban geeyey deggaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland sida ay sheegtay warbaahinta Middle East Eye “Middel isti aay” oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ciidanka ka socda maamulka Sahaayinada ee la geeyay Somaliland ay tiradoodu gaareyso 50 askari, kuwaas oo ah Yahuudda Itoobiyaanka ee loo yaqaan Falashada.
Tallaabadan ayuu xusay in la fuliyey wax yar kadib aqoosnigii Netanyahu uu siiyey maamulka ashahaadda ladirirka ah ee isku magacaabay Somaliland.
“Sida ku cad warbixinnadayada sirdoonka, militariga Yahuuddu waxay si gaar ah u doorteen askar Yahuud ah oo asal ahaan Afrikaan ah, gaar ahaan Itoobiyaan, si aanay u soo jiidan dareenka dadka islamarkaana ay si fudud ugu dhex milmaan bulshada deegaanka,” ayuu yiri sarkaalka lahadlay shabakadda Middle East Eye.
Shabakaddu waxay sheegtay in ay la xiriirtay militariga Yahuudda, balse ay ka gaabsadeen inay arrintan ka hadlaan, waxaanay yiraahdeen “Kadib markii aan arrintan ka hubinnay hay’adaha ay khusayso ayaan ka hadli karnaa waana arrin siyaasadeed”
Sidoo kale warbaahinta Middle East Eye waxay xustay in isku-day kale oo ay samaysay kula xiriirtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, balse iyagana aysan ka helin wax jawaab ah.
Wasiirka Difaaca Yahuudda, Israel Katz ayaa Arbacadii laoo dhaafay sheegay in maamullada Sahaayinada iyo Somaliland ay si qarsoodi ah iskaashi u lahaayeen muddo sannado badan ahayna arrinkaasi siina joogteyn doonaan.
CNN ayaa horaantii bishan werisay iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in Somaliland ay Yahuudda siisay goob milatari oo dheeraad ah, taas oo suuragelin karta in diyaaradaha Sahaayinadu ay halkaas ku hakadaan inta ay ku jiraan duullimaadyada masaafada dheer ee ku wajahan Iran.
Khubaro badan oo si dhow ula socda maamulka Somaliland ayaa aaminsan in Yahuuddu ay sidoo kale doonayso saldhig ciidan badeed oo ku yaalla Badda Cas si ay uga hortagto khataraha suurtagalka ah ee kaga iman kara Xuutiyiinta Yemen.