Waxaa sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya kooxda Ridada Soomaaliya iyo qaar badan oo kamid ah maamullada ashahadda ladirirada ah ee dalka ka jira.
Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland isku magacaabay ayaa jeediyay hadal uu si kulul ugu weerarayo Xasan Gurguurte madaxweynaha kooxda Riddada Soomaaliya.
wuxuu ku eedeeyay in uu xukunka kooxda si xoog ah ku joogo kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisi islamarkaana uu si bareer ah u weerarayo kooxaha mucaaradka ah ee Muqdisho ku sugan.
dhinaca maamulka isku magacaabay Galmudug ayaa isna sheegay in doorashada uu rabo Xasan Gurguurte aan lagu qaban doonin deegaannada uu ka arrimiyo.
Cali Seeko oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Qoorqoor ayaa warbaahinta usheegay in wax lamid ah doorashooyin ku sheegyadii Baydhabo oo kale aysan Dhuusamareeb ka dhici doonin isagoo Xasan gurguurte uga digay in uu dagaal ka rido gobollada Mudug iyo Galguduud.