Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubaysan ay dhaq dhaqaaqyo xooggan ka billaabeen bariga magaalada Beledweyne halkaas oo ay ku suganyihiin siyaasiyiin mucaaradsan maamulka Hirshabelle iyo kooxda Riddada Soomaaliya.
Boqolaal maleeshiyaad ah oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isku fidiyay intabadan xaafadaha bariga magaalada waxayna baaritaanno ku sameeyeen xarumo waxbarasho,kuwa maamul iyo guryo gaar loo leeyahay oo ay uga shakiyeen in laga qorshaynaya qabashada waxa loogu yeero doorashada Hirshabelle.
Saraakiisha hoggaaminaysa maleeshiyaadkan ayaa warbaahinta usheegay in ay fulinayaan amarkii Yuusuf Dabageed ee ahaa in aan wax doorasho ladhaho aan lagu qaban doonin gobolka Hiiraan.
Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka diidan Cali Guudlaawe ay rasaas ku furayaan waddooyinka waxayna shacabka ugu baaqayaan in aysan ku dagmin doorashada maamulka ashahaadda ladirirka Hirshabelle.
Xiisadahan oo ah kuwa siyaasadeed ayaa yimid maalmo kadib markii ay Yuusuf Dabageed ku xigeenkii Cali Guudlaawe iyo Sanbaloolshe ku dhawaaqeen in ay isaga baxeen maamulka isku magacaabay Hirshabelle iyagoona eedaymo kulul ujeediyay Xasan Gurguurte madaxweynaha kooxda Riddada Soomaaliya.
30-ka bishaan ayaa lafilayaa in waxa loogu yeero doorashooyinka maamulka Hirshabelle ay ka qabsoomaan degmooyin iyo deegaanno katirsan Hiiraan iyo Sh/dhexe waxaana laga cabsi qabaa in isku dayadaas ay rabshado hareeyaan.