Dagaal culus ayaa hebeennimadii xalay gudaha magaalada Baydhabo ku dhex-maray maleeshiyaadka kooxda riddada Soomaaliya iyo maleeshiyo daacad u ah madaxii hore ee laga fara-maroojiyey maamulka ashahaado-la-dirirka Koonfur Galbeed, murtad C/Casiis Laftagareen.
Sida ay xogtu tibaaxayso, dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaadka Laftagareen ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay deggen yihiin maleeshiyaadka Gurguurte oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo.
Jabaqda rasaas aan kala joogsi lahayn iyo daryanka hubka culus ayaa xalay laga maqlayay magaalada Baydhabo, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in goor dambe maleeshiyaadka riddada dib loogu riixay aagga madaxtooyada, dagaal culus-na uu in muddo ah ka socday halkaasi.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay saraakiil iyo mas’uuliyiin ku sugneyd madaxtooyada Baydhabo loo daad-dgureeyay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Xabashida Itoobiya.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayay wararku sheegayaan in ay jiraan, iyadoo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Laftagareen oo la hadlay qaar ka mida warbaahinta maxalligu ay sheegteen in nolosha ay ku qabteen tiro askar ah.
Xaalka magaadda Baydhabo waa mid kasii daraya marba marka ka dambaysa, waxaanu dagaalkani kusoo aadayaa iyadoo ku dhawaad laba usbuuc ka hor murtad Aadan-madoobe isku caano-shubay inuu yahay madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed.