Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maleeshiyada Maamulka Deni Oo Xero Ciidan Ka Qabsaday Maleeshiyada Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyada Maamulka Deni Oo Xero Ciidan Ka Qabsaday Maleeshiyada Gurguurte.

August 5, 2026

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya dagaal culus oo saaka ka qarxay bariga magaalada Gaalkacayo, halkaas oo ay ku hardamayaan labo maleeshiyo oo kala taabacsan maamullada riddada ee Muqdisho iyo Garoowe.

Sida ay xogtu tibaaxayso, dagaalkan ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaadka daacadda u ah madaxa maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ay saaka weerareen fariisinno ay maleeshiyaadka PSF ee hoos-taga maamulka Gurguurte ka samaysteen bariga magaalada Gaalkacayo.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, iyadoo tiro madaafiic ah lasoo wariyey inay ku hoobteen gudaha xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacayo.

Maleeshiyaadka Puntland ayaa la xaqiijiyey inay gudaha u galeen isla markaana ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta xero ciidan oo duleedka magaalada ay ku lahaayeen maleeshiyaadka PSF ee daacadda u ah Xasan Gurguurte.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Puntland nolosha ku qabteen askar iyo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka PSF, isla markaana ay gebi ahaanba la wareegeen saanad millateri iyo gaadiid dagaal oo yaallay gudaha xeradaasi.

Baraha bulshada waxaa si weyn ugu faafay muuqaallo muujinaya maleeshiyaadka Saciid Deni oo ku sugan xerada maleeshiyaadka PSF iyo sidoo kale la arkayo hub iyo baabuur Cabdi Bileyaal ah oo xeradaasi dhex yaalla.

Taliska booliska ee maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in hawl-gal amni oo maanta ay ka fuliyeen Gaalkacyo ku beegsadeen goobo ay sheegeen in maleeshiyaad hubaysani ay ku sugnaayeen, iyagoo intaa ku daray in hawl-galku uu weli socdo.

Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in maamulka Puntland uusan marnaba u dulqaadan doonin isla markaana uu tallaabo adag ka qaadi doono koox ama shaqsi kasta oo u adeegaya wax ay ku tilmaameen cadowga Puntland.

Qaar ka mida shacabka magaalada Gaalkacayo ee maleeshiyaadkani ay ku kor dagaallameen ayaa lasoo wariyey in waxyeello soo gaartay, isla markaana ay burbureen qaar ka mida guryaha shacabka oo ay ku dhaceen tiro hoobiyeyaal ah.

Dagaalkan ayaa salka ku haya khilaafka xooggan ee ka dhex aloosan maamullada riddada ee Muqdisho iyo Garoowe, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Xasan Sheekh Maxamuud uu saanad fara badan oo hub ah ku daabulayay magaalada Gaalkacayo.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -22-Safar-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -22-02-1448 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-04-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-04-1448-Hijri

September 20, 2026
Suuqyada Afgooye Oo Xirmay Iyo Boob Dhuleed Oo Socda.
  • Allposts
  • Warar

Suuqyada Afgooye Oo Xirmay Iyo Boob Dhuleed Oo Socda.

September 20, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-04-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-04-1448 Hijri.

September 20, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada