Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisado colaadeed ay aloosmeen xaafadaha dhaca bariga magaalada Beledweyne kadib markii ay halkaas dhaq dhaqaaqyo ka sameeyeen maleeshiyaad hubaysan.
Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaad mucaaradsan maamulka Ashahaadda ladirirka Hirshabelle ay lawareegeen gacan ku heynta 2 xarun oo laga abaabulayo waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ah.
Maleeshiyaadka hubaysan ayaa qafaashay shaqaalihii xarumaha waxayna ku goodiyeen in ay tallaab qaadi doonaan haddii laysku dayo in magaalada Beledweyne laga qaban qaabiyo doorashooyin uu mas’uul ka yahay Cali Guudlaawe.
Xiisadaha ka jira magaalada Beledweyne ayaa laga cabsi qabaa in ay isku bedelaan gacan ka hadal, kooxda Riddada Soomaaliya ayaa qorshaysanaysa in 30-ka bishan ay qabato doorashooyin ku sheegyada hoggaan cusub loogu sameynayo maamulka isku magacaabay Hirshabelle.