Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ay gacan ku heynta degmada Marka lawareegeen maleeshiyaad hubaysan oo sheegtay in ay ka madax banaanyihiin kooxda Ridada soomaaliya.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay boqolaal maleeshiyaad hubaysan ah oo gudaha usii gelaya magaalada iyagoona dejiyay calanka kooxda Ridada iyo midka Koonfur galbeed.
Maleeshiyaadkan magaalada Marka lawareegay ayaa sheegay in ay hoos tagaan maamul ay ugu magac dareen Koonfur Bari.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in askar iyo saraakiil katirsanaa kooxda Riddada ee Marka ku sugnaa ay gaareen deegaanka Shalaambood ee duleedka Marka.