Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maraykanka Oo Somalia Isaga Baxay & Khatarta Uu La Kulmay.
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Oo Somalia Isaga Baxay & Khatarta Uu La Kulmay.

January 18, 2021

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhammaystirtay howlgalkii ay ciidamadeeda ugala baxaysay Soomaaliya kaasi oo bilaawday laba bilood ka hor.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen amarkii Trump ee dhigayay in ciidamada Mareykanka lagasoo saaro Soomaaliya.

Christopher Karns oo ah Afhayeenka ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa wareysi uu dhanka Email-ka kusiiyay wakaaladda wararka AP ku sheegay in ay la baxeen intabadan ciidamadoodi ku sugnaa Soomaaliya.

Wuxuu carrabaabay in howlgalka dib ugurashada ay dhameystireen 2 maalmood ka hor waqtigii loo asteeyay ee ku ekaa 15-ka bishaan Janaayo.

Afhayeenka Africom ayaa diiday in uu cayimo halka ay geeyeen ciidamadii kala baxeen Soomaaliya isagoo kusoo gaabsaday in ciidamada lageeyay saldhigyo kuyaal Bariga Afrika.

Sababa laxiriirta cabsi amni ayuu Christopher Karns udiiday in uu shaaciyo halka lageeyay ciidamada isaga baxay Soomaaliya, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in howlgallo waqtiyaysan ka fulin doonaan Soomaaliya.

Jeneraal Stephen Townsend oo ah taliyaha guud ee taliska ciidanka Mareykanka ayaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku eedeeyay in ay dadaal dheer ku bixisay sidii ay ubeegsan laheed ciidamada Mareykanka intii uu socday howlgalka ciidamada American-ka ah dalka looga saarayay.

“Majirin dhaawacyo halis ah iyo khasaaro weyn oo dhanka sahayda ah oo nasoo gaaray inkastoo dhaq dhaqaaqa Al Shabaab uu dadaal badan ku bixiyay beegsigeena intii uu socday howlgalkii ciidamada American-ka ah Soomaaliya looga saarayay” ayuu yiri Stephen Townsend.

Donald Trump ayaa horay usoo saaray amar dhigayay in dhammaan ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya islamarkaana aad loo dhimo ciidamada American-ka ah ee ku sugan wadamada Ciraaq iyo Afghanistan.

Tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu sheegi jiray 700 illaa 800 oo askari kuwaas oo gacansiin jiray ciidamada shisheeyaha Afrikaanta iyo maleeshiyaadka soomaalida dabadhilifyada ah.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Faahfaahin: Sarkaal Caddaan Ah Oo Kamid Ahaa Saraakiishii Ku Dhintay Qaraxii Tixsiile.
Next: Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Wanlawayn.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 08-Dul-qicdah-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 08-Dul-qicdah-1447-Hijri.

April 24, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka 07-Dul-qicdah-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka 07-Dul-qicdah-1447-Hijri.

April 24, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 07-11-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 07-11-1447H.

April 24, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada