Markab shidaalka qaada oo sita calanka Togo ayaa lasoo weriyey in laga afduubtay xeebta Shabwa ee dalka Yemen, kadib-na loo weeciyay dhanka xeebaha Puntland, gaar ahaan magaalada Qandala ee gobolka Bari ee dalka Soomaaliya.
Ilaa hadda lama sheegin cidda afduubatay markabkan iyo sababta, balse xogtu waxay tilmaamaysaa in markabkan ay maamulaan shirkado laga leeyahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isla markaana ay suurto-gal tahay in afduubkani ka dhashay khilaaf ganacsi oo dhexdooda ah.
Markabkan oo lagu magcaabo Eureka (Yuuriika) wuxuu ka soo shiraacday Shaariqa 17-kii Febraayo, wuxuuna shidaal ka soo qaaday Fujairah ka hor inta uusan u gudbin dekedda yar ee Qana ee Yemen. Waxaana la afduubay 2-da bishan lagu jiro ee Shanaad, ka dib markii uu dhowr maalmood ku sugnaa xeebta Shabwa.
Hey’ad-badeed Ingiriisku leeyahay oo lagu magacaabo UKMTO, fadhigeeduna yahay Imaaraadka, ayaa soo warisay laba dhacdo oo kale oo isku mid ah oo ka dhacay isla aaggan 1-dii iyo 2-dii bishan, kuwaas oo ay ku tilmaantay isku day burcadnimo. Waxay-na ka digtay in ay kordheen falalka burcadnimo ee ka dhaca Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Puntland.
Ku dhawaad labo usbuuc ka hor ayay ahayd markii labo markab oo noocyada xamuulka iyo shidaalka ah lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, isla markaana loo leexiyey deggaannada Garacad iyo Mareero oo ku yaal xeebaha Puntland.
Ku dhawaad laba usbuuc ka hor ayay ahayd markii laba markab oo xamuul iyo shidaal siday lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, kadibna loo leexiyey xeebaha dhaca deggaannada Garacad iyo Mareero oo hoos-taga maamulka riddada Puntland.