Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maxaa Ka Jira Saldhigga Millateri Ee La Sheegay In Yahuuddu Ka Samaysatay Somaliland?.
  • Allposts
  • Warar

Maxaa Ka Jira Saldhigga Millateri Ee La Sheegay In Yahuuddu Ka Samaysatay Somaliland?.

June 25, 2026

Sida uu ku sheegay wargeyska Ash-sharqul Awsat, waxaa weli socda warar la isla dhex-marayo oo ku saabsan suurtagalnimada in maamulka Yahuuddu uu saldhig millateri ka samaysto dhulka uu ka arrimiyo maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, iyadoo laga digay in tallaabadani ay sii hurin karto xiisadaha ka jira Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Wararkii ugu dambeeyay ee la faafiyey waxay la xiriireen jiritaanka ciidan Sahaayino ah oo ku sugan deggaannada Somaliland. Inkastoo maamullada Hargeysa iyo Talaabiib ay arrintaasi ka hadleen, isla markaana ay beeniyeen.

Iyadoo arrimahaasi jiraan, haddana xogaha horudhaca ah ee soo baxay waxay muujinayaan inuu jiri karo qorshe Yahuuddu ay saldhig millateri uga samaysanayso Somaliland, iyadoo sidoo kalena la tijaabinayo mowqifyada dhinacyo kale oo gobolka ah, sida ay khubaro u sheegeen wargeyska Ash-sharqul Awsat.

Telefishanka Yahuudda ee i24 News ayaa soo xigtay warbixinno sheegaya in Somaliland ay Saahinada siisay xuquuq ay kaga hawl-geli karto xarun millateri oo dheeraad ah, taas oo loo adeegsan karo saadka iyo taageerada hawlgallada diyaaradaha duullimaadyada masaafada dheer.

Sidoo kale, mareegta Middle East Eye ayaa sheegtay in maamulka Sahaayinadu uu horaantii sannadkan ciidan tiradiisu kooban tahay uu geeyey Somaliland, taas oo qayb ka ah iskaashi amni oo sii kordhaya oo u dhexeeya labada dhinac.

Sida uu ka sanqariyey sarkaal la hadlay mareegtaas, ku dhowaad 50 askari oo Yahuudda Itoobiyaanka ah ayaa ku sugan gobolka, kaddib heshiisyo amni oo la sheegay in la gaaray kadib aqoonsigii uu Netanyahu ugu aqoonsaday Somaliland dal ka madaxbannaan Soomaailya inteeda kale.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Yahuudda ayaa qoraal kooban oo ay Isniintii lasoo dhaafay soo dhigtay barteeda xiriirka bulshada ee X (Twitter), ku beenisay warkaasi, iyadoo ku tilmaantay inuu yahay mid aan sax ahayn.

Wargeyska Ash-sharqul Awsat wuxuu tilmaamay in beenintani ay dhalisay dood badan, maadaama ay jireen hadallo rasmi ah oo Yahuuddu ay horey u sheegtay, kuwaas oo tilmaamaya in Sahaayinadu ay sanado badan hawl-gallo ka wadday gobolka.

Wasiirka Difaaca Yahuudda, Israel Katz, ayaa toddobaadkii hore, xilli uu qaabilayey madaxa maamulka Somailland ee Cirro waxa uusheegay in Yahuuddu ay sannado badan ka fulinaysay Somaliland hawlo uu ku tilmaamay kuwo qarsoodiya, sida ay werisay wakaaladda AFP.

Intii uu booqashada ku guda-jiray, Cirro ayaa wareysi uu siiyey i24 News ku sheegay inuusan meesha ka saari karin suurtagalnimada saldhig milatari oo mustaqbalka ay Yahuuddu ku yeelato Somaliland, isagoo intaas ku daray in arrintaasi ay dhici karto dhawaan.

Wargeysku waxa uu sheegay in CabdiKariim Saalax oo ah falanqeeye siyaasadeed oo kasoo jeeda Somaliland uu qabo in weli aan la saxiixin heshiis rasmi ah u dhexeeya Somaliland iyo Yahuudda oo ku saabsan dhismaha saldhig millateri, balse arrintaasi ay suurogal tahay mustaqbalka dhow.

Sidoo kale CabdiWeli Jaamac Barre oo ah falanqeeye siyaasadeed oo kasoo jeeda Soomaaliya ayaa wargeyska u sheegay in wararka la faafinayo iyo hadallada is-khilaafsan ee ku saabsan suurtagalnimada saldhig milatari oo Yahuuddu ku yeelato Somaliland ay sii kordhinayaan doodda iyo muranka gobolka, isla markaana ay xoojinayaan walaacyada laga qabo tallaabadaas.

Barre wuxuu arrintaas ku sababeeyey in jawaabaha laga bixiyey aysan ahayn kuwo gebi ahaanba albaabka u xiraya fikraddaasi. Sida uu sheegay, maamulka Somaliland ma bixin beenin cad oo kama dambays ah, balse wuxuu ka tagay suurtagalnimooyin mustaqbalka ah.

Waxa kale oo Barre uu tilmaamay inuu jiro iskaashi amni oo sii xoogaysanaya, iyadoo si rasmi ah loo qiray in maamulka Sahaayinadu uu tababar siiyo ciidamada ammaanka iyo kuwa millatariga ee maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.

Sida uu sheegay Barre, goobta juqraafiyeed ee Somaliland oo ku taalla Gacanka Cadmeed una dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb waxay ka dhigaysaa meel istaraatiijiya oo muhiim u ah joogitaan kasta oo millatari oo caalami ah, gaar ahaan midka Yahuudda.

Waxa uu intaas ku daray in beenintu aysan ka dhignayn in arrintu aanay dhici karin, isagoo ku doodday in beeninta hadda jirta laga yaabo inay tahay kaliya tallaabo hordhac ah oo lagu qiimaynayo falcelinta dhinacyada gobolka iyo kuwa tartanku uu ka dhaxeeyo.

Si kastaba, xogaha warbixinnadii caalamiga ahaa ee ugu dambeeyey waxay isku raaceen in maamullada Talaabiib iyo Washington ay saldhigyo millateri ka dhisteen gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -10-01-1448 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-01-1448-Hijri

Related Stories

Khasaaraha Dhimasho Ee Toogashadii Maleeshiyada Gurguurte Ka Geysteen Tookiyo Oo Korodhay.
  • Allposts
  • Warar

Khasaaraha Dhimasho Ee Toogashadii Maleeshiyada Gurguurte Ka Geysteen Tookiyo Oo Korodhay.

August 24, 2026
Weerar Lagu Laayay Maleeshiyada Danab Oo Ka Dhacay Sh/hoose.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Lagu Laayay Maleeshiyada Danab Oo Ka Dhacay Sh/hoose.

August 24, 2026
Dhagayso Waaliga Banaadir Oo War Kasoo Saaray Dhul-boobka Gurguurte Ee Yaaqshiid.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Waaliga Banaadir Oo War Kasoo Saaray Dhul-boobka Gurguurte Ee Yaaqshiid.

August 23, 2026

Sawirro

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada