Weerarkii ay Mujaahidiintu ku beegsadeen kolonyadii maleeshiyaadka murtadiinta ee bartamihii bishaan ka dhacday deegaanka Jameeco ee Sh/hoose ayaa saameyntiisa laga dareemayaa goobtii lagu dagaallamay.
Meydadka boqolaal katirsan cadowga ayaa daadsan dhulka howdka ah iyo wadada laamiga arrinkaas oo muujinaya xaddiga uu gaarsiisanyahay khasaaraha cadowga gaaray.
baraha bulshada ee soomaalidu kuwada xiriirto waxaa si aad ah looga hadal hayaa arrintan ku saabsan meydadka maleeshiyaadkii murtadiinta ee lagu laayay weerarkii deegaanka Jameeco
Dad shacab ah oo ku safray wadada xiriira Muqdisho iyo Baydhabo ayaa Moobilladooda ku towthiiqiyay kuna duubay meydad tirabeel ah oo daadsan wadada laamiga ah iyo hareeraheeda.
Meydadka oo ah kuwa qurmay ayaa si aad ah loogu faafiyay baraha bulshada sida Facebook iyo Tiktok arrinkaas oo dhaliyay hadal heyn iyo buuq siyaasadeed oo kooxda Riddada dhaxdeeda ah.
Lataliyihii hore ee amniga xafiiska R/wasaaraha kooxda Ridada Soomaaliya ayaa qoraal ah ku faafisay barteeda X ee Twitter loo aqoon ku jira ku muujisay sida ay uga argagaxday meydadka Maleeshiyaadka kooxda Ridada oo iyagoo qurmay yaalla howdka deegaanka Jameeco “Waa arrin qalbiga aad u xanuujinaysa in toban maalmood kadib dhacdadii Jameeco, meydadka askartii ku dhimatay ay weli yaallaan waddada dhinaceeda, halka hoggaamiyeyaashii u diray hawshan masiiriga ah ay meelo kale ka damaashaadayaan gudaha maamulgoboleed federaal ah”ayey tiri haweenay lataliyihii hore ee Xasan Cali Kheyrre.
Kumanaan kun oo fikrado ka dhiibtay arrintan ayaa layaabay tira badnida meydadka iyo sida kooxda Riddada Soomaaliya ay udayacday maleeshiyaadkeeda.
Muuqaallada oo si aad ah ufaafay waxaa xiise iyo saameyn usii yeelay shacab socoto ah oo si kedis ah ku arkay kadibna duubay waxayna lawadaageen bulshada.
Meydadka qaar ayay dugaagtu ku feenaynaysaa dhulka howdka ah ee udhaxeeya deegaannada Leego illaa Jameeco.
saraakiil,siyaasiyiin iyo aqoonyahanno arrinkan ka hadlay ayaa dhammaantood amakaag in anfariir ka muujiyay xasuuqii maleeshiyaadka Gogor lagaarsiiyay waxayna ku eedeeyeen taliyaasha ciidanka kooxda Ridada in aysan u naxayn maleeshiyaadka ay xaabada uga dhigteen dagaallada.