Sida ay wararku tibaaxayaan, mid ka mida diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyadda Maraykanka ayaa burburtay Arbacadii shalay kadib markii ay ku dhacday dhul bannaan oo kaymo ah oo ku yaalla magaalada Salado ee bartamaha gobolka Texas.
Diyaaraddan oo ka mid ahayd Helicopter-rada qaaliga ah ee millateriga Maraykanka, laguna magacaabo AH-64 Apache (Ey Eyj Sixti Foor Apaaji), ayuu dab xooggani qabsaday markii dhulka ay ku dhacday, waxaana la xaqiijiyey in labadii duulliye ee saarnaa ay dhinteen.
Sida ay xogtu tibaaxayso dabkan ayaa si weyn ugu fiday dhul ballaaran oo kayn ah oo gaaraya qiyaastii 40 Hektar, waxaanay xakamayntiisu qaadatay sida la sheegay muddo dhowr saacadood ah, iyadoo dadkii ka ag-dhawaa aaggaasina laga daad-gureeyey.
Ilaa hadda maamulka Donald Trump ma caddayn sababta rasmiga ah ee dhalisay burburka diyaaraddan, taas oo ka tirsanayd saldhigga millateri oo weyn oo ku yaalla bartamaha gobolka Taxes, kaas oo si gaar ah ay u isticmaalaan Ciidanka Dhulka ee Mareykanka.
AH-64 Apache (Ey Eyj Sixti Foor Apaaji), waa helicopter loogu talo-galay weerarrada, waxay qaaddaa laba ruux oo kala ah duuliyaha iyo ridaha gantaallada, waxaana loo adeegsadaa burburinta gaadiidka gaashaaman, ciidamada iyo bartilmaameedyada kale, waxaanay qaadi kartaa ilaa 92 gantaal.