Isagoo ka hor hadlayay boqolaal katirsan maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya oo tababar loogusoo xiray deegaanka Xanaanbuurre ee gobolka Galguduud ayuu wasiirka gaashaandhigga kooxdaas eedayn kulul ujeediyay maleeshiyaadkiisa.
Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka gashaandhigga kooxda Riddada ayaa sheegay in maleeshiyaadka murtadiinta marka lageeyo furinta dagaalka ay kasoo cararaan ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab.
Wuxuu carrabaabay in dhowr mar ay maleeshiyaadku ka firxadeen jiidda dagaalka islamarkaana uu ka digayo in maleeshiyaadka loosoo xiray tababarka ay qaadeen dhammaabihii kuwii ka horreeyay.
Kaamirada mu’asasada alkataa’ib ayaa dhowr jeer soo muujisay boqolaal katirsan maleeshiyaadka murtadiinta oo isaga firxanaya saaxaadka dagaalka arrinkaas oo saameyn xun oo nafsaani ah ku reebay murtadiinta iyo taageerayaashooda.