Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Midowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Burburka Duullaankooda Soomaaliya Ee AUSSOM.
  • Allposts
  • Warar

Midowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Burburka Duullaankooda Soomaaliya Ee AUSSOM.

July 22, 2026

Dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa si weyn u muujiyay walaac sii kordhaya oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka saliibiga ah ee isbahaysa AUSSOM ee Soomaaliya, iyagoo dalalka qaarkood ay si cad ugu sheegeen kooxda riddada Soomaaliya, inay isu diyaariso bixitaanka ciidamada shisheeye.

Wargeyska The EastAfrican ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi, ayaa warbixin uu saaka baahiyey ku sheegay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay bilaabeen inay si furan isku waydiiyaan inta ay Afrika sii wadi karto hawl-galka AUSSOM ee Soomaaliya.

Cameroon iyo Gabon ayuu wargeysku xusay inay ku baraarujiyeen golaha in hawl-galkastaaba uu leeyahay wakhti uu ku dhammaado, waxaanay ku boorriyeen maamulka Muqdisho inuu xaqiiqda waajaho iskuna diyaariyo bixitaanka ciidamada shisheeye.

Hadalladan oo si aan gabasho lahayn looga jeediyey shir degdeg ah oo ay yeesheen la-taliyeyaasha militariga ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayuu wargeysku tilmaamay inay muujinayaan walaaca sii kordhaya ee ku saabsan mustaqbalka howlgalka.

WarbixintU waxay carabowday in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay muujinayaan in xaaladda hadda jirta aysan sii ahaan karin mid dhaqaale ahaan ama siyaasad ahaan lagu sii wadi karo howlgalka macatab-ku-dirika ah ee isbahaysiga AUSSOM.

Wargeysku wuxuu tilmaamay in isbeddel ballaaran ka socda Midowga Afrika, isla markaana dooddu ay si isa soo taraysa uga guurayso su’aasha ah in howlgalka la sii wado iyo in kale, una wareegayso sida iyo goorta loo soo afjari doono.

Waxa kale oo wargeysku ka dhawaajiyey in xattaa dalalkii muddada dheer ciidamada ku biirin jiray howlgalka, sida Uganda, ay dhowaan bilaabeen in iyaguna su’aal geliyaan sida uu ku dhammaan doono howlgalka Midowga Afrika.

“Ma sii joogi karno Soomaaliya muddo aan dhammaad lahayn.” Sidaas waxaa ku tiraabay ayuu yiri wargeysku qaar ka mida mas’uuliyiinta maamulka Kampala oo ah dalka leh tirada ugu badan ee ciidamada Midowga Afrika ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha xiriirka difaaca ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayuu wargeysku xusay in miiskii xaaladda lagu gorfeynayay ay soo saareen saddex ikhtiyaar oo waaweyn oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM, kuwaas oo kala ah:

In ciidamada Midowga Afrika si tartiib tartiib ah looga saaro Soomaaliya, In la sii wado ciidanka hadda jooga iyadoo saadka ay kala wareegayaan UNSOS saaxiibbo laba geesood ah, iyo In ciidanka hadda jira lagu beddelo howlgal goboleed ka yar kan hadda jira.

Waxa uu sheegay wargeysku, in diblomaasiyiin xog’ogaal u ah doodaha socda ay sheegeen in labada ikhtiyaar ee dambe aysan helin taageero badan, maadaama dalalka ciidamada u diray Soomaaliya ay weli u baahan yihiin dhaqaale ay ku sii wadaan hawl-galka, xilli maalgelintu ay sii yaraanayso.

Sida uu ka sanqriyey wargeysku, arrintan ayaa sii kordhisay aragtida ah in ka bixitaan si nidaamsan loo maareeyo oo markii hore loo arkayay ikhtiyaarka ugu liita uu hadda noqday xaaladda ay dalal badan oo xubno ka ah Midowga Afrika u arkaan tan ugu macquulsan ee lagu soo afjari karo howlgalka.

Atul Khare, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee UN-ka u qaabilsan Taageerada Hawlgallada, ayaa kulan dhawaan ka qabsoomay Muqdisho, waxa uu ka sheegay in ay jirto caqabad kale oo weyn oo ah in ilaa hadda aan la dhamaystirin $481 milyan oo dollar oo ah lacagta miisaaniyadda UNSOS ee sannadkan, taas oo uu ansixiyey Golaha Guud ee urur-gaaleedka Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa wacad ku maray inuu hor istaagi doono tallaabo kasta oo ka dhex dhacda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu maalgelinayo hay’adda saadka bixisa wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar ee 2026.

Wargeyska The EastAfrican waxa ka dhawaajiyey in ilaa hadda uusan jirin maal-geliye kale oo muuqda oo buuxin kara kaalinta ay bannaynayso dowladda Maraykanku, waxaanay warbixintu ay xaaladdan KU tilmaantay mid hubanti la’aan gelinaysa mustaqbalka howlgalka AUSSOM.

“Haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin caalami ah, AUSSOM waxay wajihi kartaa burbur hawlgal oo soo dhow marka la gaaro 2027,” Sida waxaa wargeyska u sheegay Maxamed Daa’uud Ismaaciil, oo ah kaaliyaha cilmi-baarista sare ee hey’adda ACLED oo qaabilsan ururinta xogaha colaadaha.

Caqabaddu waxay sii adkaan doontaa ayuu yiri wargeysku, haddii Midowga Afrika uu go’aansado inuu ciidamo ku sii hayo Soomaaliya, xitaa haddii la yareeyo tirada ciidamada, waayo la wareegista mas’uuliyadda saadka ayaa u baahanaysa boqolaal milyan oo doollar, taas oo dalal badan oo Afrikaan ah u arkaan inay ka baxsan tahay awooddooda dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, walaacyadan ayaa sii xoogaystay kadib bilowgii bishan, markii Mareykanku uu Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan mar dambe maalgelin doonin hay’adda bixisa adeegyada saadka ee isbahaysiga AUSSOM, oo ah Xafiiska UNSOS ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 08-02-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -08-Safar-1448-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-03-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-03-1448-Hijri

September 8, 2026
Itoobiya Oo AUSSOM Uga Faaa’ideysanaysa Danaheedaa Gaarka Ah (WARBIXIN).
  • Allposts
  • Warar

Itoobiya Oo AUSSOM Uga Faaa’ideysanaysa Danaheedaa Gaarka Ah (WARBIXIN).

September 8, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-03-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-03-1448 Hijri.

September 8, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada