Golaha ay ku mideysanyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Mustaqbalka, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray digniin adag ugu diray madaxa kooxda Riddada Soomaaliya murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha, ayaa bayaankiisa ku sheegay in shalay oo taariikhdu ahayd 14-ka April uu si rasmi ah u dhammaaday muddo xileedka labada aqal ee baarlamaanka daaquudka Riddada, sidaas darteed na nidaamka uu galay firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed sida ay hadalka u dhigeen.
Murtad Xassan Gurguurte ayay digniin adag u direen, waxayna sheegeen in waxa socda uu isagu masuul ka yahay si ulakac ahna uu u sameeyay, waxay intaas ku dareen in Gurguurte wato laba doorasho oo ah in uu qabsado doorasho uu isagu wato iyo in uu abuuro fowdo iyo qalalaase siyaasadeed.
Digniinta mucaaradka ee Xassan Sheekh ayaa u dhignayd sida tan”Golaha Mustaqbalka wuxuu si adag ugu digayaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo asaga laftigiisa uu muddo xileedkiisu ku egyahay 15ka May 2026 in uu ku sii socdo jidka horseedi doona cawaaqib culus, sida: burbur hay’adeed, xasillooni darro amni, kala tag siyaasadeed iyo dhaawac weyn oo soo gaara hannaanka curdanka ah ee dowlad dhiska Soomaaliyeed”.
Golahan warsaxaafadeedka ka dhanka ah Gurguurte soo saaray, waxaa ku mideysan siyaasiyiinta ugu saamaynta badan mucaaradka Riddada iyo madaxda maamul goboleedyada ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland iyo Puntland.