Markii ugu horraysay kooxaha mucaaradka ah ayaa ka hadlay qorshaha ay iclaamisay kooxda riddada Soomaaliya ee ah in ay hub ka dhigis ka sameyso degmooyinka gobolka Banaadir.
Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee kooxda Riddada ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xayndaabka garoonka Muqdisho wuxuu kaga dhawaajiyay in aysan aqbali doonin hub ka dhigis lagu sameeyo xubnaha mucaaradka.
Wuxuu sheegay in aysan marnaba aamini doonin Xasan Gurguurte oo ku eedeeyay in uu kusoo weeraray daroonno iyo beebayaal.
isbuuc ka hor ayay aheyd markii magaalada Muqdisho ka dhaceen iska hor’imaadyo khasaara dhaliyay oo udhaxeeyay maleeshiyaadka kooxda Riddada iyo kuwa mucaaradka ah.
Xasan Sheekh oo lafilayay in uu xilka ka dego 15-kii bishii May ee lasoo dhaafay ayaa diiday wuxuuna iclaamiyay in uu sii joogi doono illaa May 2027.