Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Gedo, waxay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee xero Baraxow oo kutaal degmada Baardheere ee wilaayada Gedo.
Weerarkan madaafiicda ah ayaa kusoo beegmaya xilli qarax ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Baardheere, kaasi oo lala eegtay ciidamada saliibiyiinta Itoobiyaanka ah, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari oo Itoobiyaan ah, halka laba askari oo kalena ku dhaawacmeen.