Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helay asbaabaha dhaliyey khilaafka ka dhex qarxay dowladaha Uganda iyo Turkiga, kaas oo bannaanka yimid kadib markii Kampala ku dhawaaqday inay hakisay dhammaanba iskaashigii dhinaca difaaca iyo militariga ee ay la lahayd Ankara.
Warbaahinta Middle East Eye oo fadhigeedu yahay carriga Ingiriiska ayaa ilo-wareedyo ay soo xigatay sheegeen in khilaafka soo kala dhex-galay dowladaha Uganda iyo Turkigu uu salka ku hayo danaha labadan waddan ay ka leeyihiin arrimaha Soomaaliya.
Go’aanka Uganda ay ku joojisay skaashigii dhinaca difaaca ee ay la lahayd Turkiga ayaa lala xiriirinayaa suurtagalnimada in la soo afjaro howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, taas oo Kampala ka khasaarin karta tobannaan milyan oo doollar oo dakhli ah, sida ay Middle East Eye kasoo xigatay dhowr ilo-wareed oo ay sheegtay inay xog-ogaal u yihiin arrintan.
Dibad-baxyo maalmo ka hor ka dhacay barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee caasimadda Kampala, ayaa la sheegay in maamulka Erdogan looga dalbaday in xukuumadda Musaveni uu u soo gacan-geliyo siyaasi mucaarad ah oo u dhashay Uganda, kaas oo tan iyo 2013-kii ku noolaa dalka Turkiga.
Ilo-wareedyo u warramay Middle East Eye ayaa sheegay in arrinta siyaasigaasi mucaaradka ah ay tahay marmarsiiyo, balse khilaafka dhabta ah ee labadan dowladood uu salka ku hayo is-maandhaaf la xiriira joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya iyo doorka sii kordhaya ee dowladda Turkigu ku leedahay waaxda amniga ee kooxda riddada ee Villa Soomaaliya.
Mid ka mida ilo-wareedyadan xog’ogaalka ah ayaa isagoo arrintan ka hadlaya waxa uu yiri “Siyaasigan Ugandhiiska ah ee xukuumadda Musaveni mucaaradsani, wuxuu Turkiga ku noolaa tan iyo 2013, qalalaasahanina wax xiriir ah lama laha joogitaankiisa, arrintaasi waa boor-isku-qarin keliya”
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaasi ku daray “Arrinta oo dhan waxay la xiriirtaa joogitaanka ciidanka Uganda ee Soomaaliya, kuwaas oo xiriirro amni oo dhow la leh Ankara,”
Sidoo kale ilo-wareedyo ayaa warbaahintan u sheegay in kooxd Villa Soomaaliya ay Uganda ka codsatay inay soo afjarto ciidamadeeda ku sugan dalka, iyadoo sabab looga dhigay maleeshiyaad uu Turkigu soo tababaray oo Gurguurte aaminay inay buuxin karaan booska ciidamada Afrikaanta.
Middle East Eye oo soo xiganaysa ilo-wareedyo xog’ogaal ah ayaa sheegtay in askari kasta oo dowladda Saliibiyadda Uganda ay usoo dirto Soomaaliya ay ku hesho bil walba ugu yaraan $1,000 dollar. Waana sababta ayay tiri Uganda ay uga soo hor-jeeddo soo af-jaridda hawl-galkan.
“Joojinta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu dowladda Uganda u horseedi karaa inay sannadkii lumiso malaayiin doollar,” ayuu ilo-wareed labaad oo arrintan xog’ogaal u ah uu u sheegay warbaahintan fadhigeedu yaahy Ingiriiska.
Ilo-wareedku wuxuu qiyaasay in Uganda ay lumin karto $5 milyan ilaa $6 milyan oo dollar bishii, ama $60 milyan ilaa $72 milyan oo dollar sannadkii, haddii howlgalka la soo afjaro, Kampala-na ay ciidamadeeda oo dhan kala baxdo Soomaaliya.
Waxa la sheegay in Uganda ay isku dayayso inay Turkiga ku cadaadiso xal-u-helidda xiisaddan, xilli Ankara-na la sheegay in iyaduna ay raadineyso xal lagu soo afjaro khilaafkan, maadaama ay ka cabsi-qabto in shirkadaha Turkiga ee ka shaqeeya Uganda ay arrintani saameyn ku yeelato.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadkan ayaa bannaanka u soo baxay kadib markii Maraykanku uu si rasmi ah u shaaciyey in gebi ahaanba uu soo afjarayo saadkii iyo dhaqaalihii uu ku dhawaad labaatanka sano ku taakulaynayey ciidamada Afrikaanta ee duullaanka saliibiga ah kaga jira dalka Soomaaliya.