Ciidamada Booliska ee dalka Ingiriiska ayaa xabsiga u taxaabay nin la rumaysan yahay inuu Soomaali yahay, kaas oo loo haysto tuhun la xiriira fal isku-day dil ah oo habeennimadii xalay ka dhacay magaalada Belfast ee caasimadda waqooyiga Ireland.
Weerarkan oo mindi loo adeegsaday, ayaa argagax badan ku abuuray dad fara badan oo Ingiriis ah, kadib markii la daawaday muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada, oo muujinaya sida uu falkaasi u dhacay, kaas oo dhaliyey cambaareyn ballaaran.
Ninkan Soomaaliga ah ee falkan loo xiray ayaa da’diisa lagu qiyaasay 30 jir. Waxaanay ciidamada ammaanku ay weli ku hawlan yihiin baaritaanno dheeraad ah, oo ay doonayaan inay ku xaqiijiyaan cidda rasmiga ah falkaasi ka dambaysay.
Booliska oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, ayaa sheegay in ninka la toorriyeeyey oo da’diisa lagu qiyaasay 40 jir, uu qabo dhaawacyo culus oo kasoo gaarey wejiga, qoorta iyo dhabarka, isla markaana la dhigay cisbitaalka.
Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer ayaa weerarkan ku tilmaamay mid argagax leh oo laga naxo, halka Ra’iisul Wasaaraha Koowaad ee Waqooyiga Ireland, Michelle O’Neill ay ku baaqday in booliiska laga dhur-sugo lana siiyo fursad ay ku dhammeystiraan baaritaanka.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisado ay ka jiraan UK, kadib rabshado toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Southampton, kuwaas oo la xiriiray sida booliisku u maareeyeen dil dhacay bishii hore ee December oo isna loo adeegsaday toorrey.