Az-zallaaqa, oo ah garabka warbaahineed ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ayaa soo saartay bayaan ku qoran luuqadda Faransiiska, oo lagu bogaadiyey hawl-galladii mujaahidiintu fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay isla markaana baaq loogu diray guud ahaan bulshadda muslimiinta ah ee Mali.
Warsaxaafadeedka waxa lagu sheegay in hawl-galladii dhacay usbuucii lasoo dhaafay Allaah fadligiis mujaahidiintu ay kasoo hooyeen guullo waaweyn, isla markaana khasaare baaxad leh dhabarka u saareen ciidanka riddada ee millateriga Mali.
Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ayaa guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshadda Mali ugu baaqday, inay u midoobaan sidii loo soo afjari lahaa golaha digtaatooriyadda riddada Maali isla markaana loo soo celin lahaa ku-dhaqanka shareecada Islaamka.
“Waxaan ku baaqaynaa in si nabad ah oo mas’uuliyad ku dhisan awooda lagu soo wareejiyo, ujeedkuna waa dhisidda Mali cusub, oo lagu maamulayo shareecada Islaamka…” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Jamaacada.
War-saxaafadeedkan ayaa kusoo aadaya xilli mujaahidiintu ay dardar xooggan geliyeen gulufkooda, isla markaana saacadihii lasoo dhaafay ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta magaalo waqooyiga ku taalla oo lagu magacaabo Tessalit.
Muuqaallo ay baraha bulshada ku faafiyeen ilo maxalli ah Jimcihii shalay, ayaa muujinaya dagaalyahannada oo ku sugan gudaha saldhigga Amachach, kaas oo ay ka carareen ciidamada Ruushka iyo kuwa Mali, iyadoo sidoo kalena la arkayay mujaahidiinta oo gawaari millateri oo ay la wareegeen ku dhex wata gudaha magaalada.