Xafiiska Urur-gaaleedka Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Soomaaliya ee loogu yeero UNSOS, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay qorshe lagu xaraashayo qaar ka mid ah agabka iyo hantida Qaramada Midoobay ee taalla gudaha dalka Soomaaliya.UNSOS ayaa raadinaysa shirkad ruqsad haysata oo ka mida shirkadaha wax xaraasha, taas oo ay tilmaantay in loo oggolaan karo inay maamusho oo ay fuliso xaraashka hantida Qaramada Midoobay ee taalla gudaha Soomaaliya.
Agabka la xaraashayo waxaa ka mid ah gaadiid noocyo kala duwan leh, kombiyuutarro, qalabka shabakadaha, taleefoonnada, qalabka korontada, qalabka xafiisyada, konteenarro 20 iyo 40 fuudh ah, taawarro ilaalin, matoorro, qalab caafimaad iyo shaybaarro, qalabka jikada iyo mashiinno culus oo dhismaha loo isticmaalo.
UNSOS waxay sheegtay in qandaraaska adeegga xaraashka uu marka hore socon doono saddex bilood, iyadoo lagu kordhin karo saddex xilli oo kale oo midkiiba yahay saddex bilood, haddii adeegga qandaraaslaha lagu qanco isla markaana baahida adeeggu sii jirto.
Falanqeeyayaasha ayaa go’aankan ku tilmaamay in uu ka dhigan yahay in UNSOS ay ka quusatay gabi ahaanba in ay ka howlgasho Soomaaliya, siina waddo shaqooyinkeeda taageerada dhinaca hawada & farsamada ee ciidamada Midowga Afrika.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli mustaqbalka taageerada saadka ee howlgalka AUSSOM iyo joogitaanka UNSOS ee Soomaaliya uu wajahayo isbeddello waaweyn, kadib amrkii dhawaan Maraykanku caddeeyey in dhammaadkan sannadkan uu joojinaayo taageerada AUSSOM.