Weerar culus oo lagu dilay ugu yaraan 4 isugu jirta sarkaal iyo askar ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee maamulka Yahuudda, ayaa ka dhacay koonfurta dalka Lubnaan, wax yar uun ka dib markii uu dhaqan galay heshiis ay gaareen Maraykanka iyo Iiraan.
Weerarkan ayaa lasoo wariyay in uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Kfartibnit (Kafar Tabniit) ee dhacda koonfurta Lubnaan, waxaana qaaday maleeshiyada ururka Xizbullaah la baxay ee ay taageerto Iiraan.
4 askari oo Yahuudi ah ayaana lagu dilay weerarkan, kuwaas oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah, waxaana ku jiray taliyihii Guutada 52-aad ciidamada Guutada Taangiyada ee 401-aad, Gaashaanle Dhexe Dor Gedalia Ben Simhon (Door Gedaalya Bin Simxoon).
Sarkaalkan iyo ciidankiisa ayaa lagu beegsaday taangiyo ay wateen, waxayna noqday dhacdadii ugu hadal haynta badnayd ee muujinaysa khasaaraha culus ee ciidamada Yahuudda loogu geysanayo koonfurta Lubnaan.
Warbaahinta Yahuuddu waxay sidoo kale sheegtay in 17 askari ay dhaawacmeen, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah iyo saraakiil sare oo goobta dagaalka joogay.
Maamulka Yahuudda, ayaa dhankiisa qaaday duqaymo ballaaran oo ka dhan ah ururka Iiraan taabacsan ee ka howlgala koonfurta Lubnaan ee isku magacaabay Xisbullaah, Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan waxay sheegtay in 47 qof ay ku dhinteen, halka 97 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymihii u dambeeyay ee Yahuuddu ka gaysteen koonfurta iyo bariga Lubnaan.