Howlgal ciidamada Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gudaha degmada Afmadoow ee wilaayada Jubbada hoose, ayaa lagu iqitiyaalay sarkaal ka tirsanaa Booliska maamulka Ashahaada la dirirka ah ee Jubbbaland, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Cadde.
Sarkaalka la khaarajiyay ayaa darajadiisa ciidan waxay ahayd laba xidigle Boolis ah, waxaana lala dilay askari ilaalo u ahaa oo isagana lagu magacaabi jiray Qaalin Gate.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah, ayaa xaqiijiyay in sarkaalka murtadka ah ee ay Mujaahidiintu khaarajiyeen, uu ahaa nin aad u dhibi jiray dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Afmadoow, balse ugu dambeyn ay shartiisa soo afjareen ciidamada Mujaahidiinta.