Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada kuffaarta Midowga Afrika ee hawl-galka saliibiga ah ka wada Soomaaliya ayaa maqaal uu qoray kaga sheekeeyey khataraha ku gedaaman shisheeyaha iyo waxyaabihii uu goob-joogga u ahaa muddadii uu ku sugnaa furimaha dagaalka.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdisalaam Cusmaan Muusa, kana tirsanaan jiray ciidamada riddada Jabuuti ee qaybta ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa dagaalyahanno adag oo la loodin waayay ku sifeeyey Mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.
Murtad CabdiSalaam, oo la sheegay in muddadii u dhexaysay 2014 ilaa 2015 uu ahaa sarkaal qaabilsan maareynta dhaqdhaqaaqa iyo isku xirka ciidamada ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in muddadaasi uu la kulmay caqabado saamayn ku reebay noloshiisa.
Wuxuu tilmaamay in isaga iyo ciidamadii Afrikaanta ee uu ka tirsanaa ay wajaheen daal xooggan oo joogta ah, niyad-jab, iyo habacsanaan sababtay feejignaan la’aan, taas oo khatar gelisay ayuu yiri noloshayada iyo guud ahaan nolosha askarta AMISOM.
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayuu sheegay in weerarradoodu ay ahaayeen kuwo aan la saadaalin karin oo joogto ah, maadaama ayuu yiri, goor walba ay fulin jireen hawl-gallo ba’an oo isugu jira weerarro toos ah iyo qaraxyo laayaan ah oo si gaar ah ay la kulmi jireen xilliyada safarka.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale ka sheekeeyey dhacdo uu goob-joog u ahaa, taas oo ku saabsanayd askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM oo ka lumay cutubkii uu ka tirsanaa, kadib markii ay la kulmeen weerar dhabbo-gal ah oo ay u dhigeen Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Askarigan lumay ee ka tirsanaa ciidamada AMISOM ayuu sarkaalkani ka dhawaajiyey in ugu dambayntii uu u gacan-galay Mujaahidiinta Al-Shabaab, isla markaana ay khaarajiyeen. Waxaanu dhacdadaasi ku sifeeyey mid uu aad uga murugooday.
Marar dhowr ah ayuu sheegay in naftiisu ay halis ku gashay taatiko heerkeedu sarreeyo oo uu xusay in Mujaahidiinta Al-Shabaab ay isticmaaleen, xilliyo ay weerarro gaadmo ah kusoo ekeeyeen saldhigyadii ay ku sugnaayeen ee ciidanka AMISOM.
Waxa kale oo sarkaalkani ka dhawaajiyey in maalin maalmaha ka mida, iyagoo ka cabsanaya weerar kaga yimaadda Mujaahidiinta, ay ku sigteen halis weyn oo amni kadib markii iyagoo xawaare sare ku socda, taangi noociisu yahay T-72, uu ka dhacay gaarigii uu saarnaa, halkaas-na ay in muddo ah ku xayirmeen kolonyadii ciidamada AMISOM.
Sidoo kale sarkaalkani waxa uu carabaabay in muddadii uu hawl-galkan qaybta ka ahaa mujaahidiintu ay sare u qaadeen xeeladahoosa, iyagoo bartilmaameedsaday waddooyinka saadka, taas oo sababtay ayuu yiri kharashyadii hawlgal-ka oo kordhay iyo hoos-u-dhac ku yimid awoodda ciidamada AMISOM.