Wararka ka imaanaya magaalada Al-qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa sheegaya in dhisme kuyaal magaaladaasi lagu dilay sarkaal laba xidigle ah oo ka tirsanaa kooxda Riddada Soomaaliya.
Sarkaalkan oo ka mid ahaa saraakiil kooxda Riddadu tabobar ugu qaaday dalka Masar, ayaa lasoo wariyay in lagu dhex dilay qol uu ka degganaa dhisme kuyaal magaalada Al-qaahira.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cali uu nafta dhaafiyay sarkaal kale oo ay tabobar ciidan iskula jireen.
Si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysay dilka lagula kacay sarkaalkan darajadiisa ciidan lagu sheegay laba xidigle ka tirsanaa Booliiska kooxda Riddada, muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay dhiig buux-dhaafiyay qolka lagu dilay sarkaalkaasi.